Maamuka Afgooye oo xukun tacsiir ah ku filiyay meel fagaara ah Eedeysanayaal la soo qabtay.
Bartamaha (Afgooye)Â Maamulka Xizbul Islaam Afgooye ayaa si rasmi ah u fuliyay Xukun tacsiir ah kaasi oo lagu fuliyay Eedeysanayaal la soo saaray maxkamad maamulkaasi.
Xukunka Tacsiirta ah ayaa lagu fuliyay illaa 3-dhalinyara ah kuwaasi oo la sheegay in ay galeen falal dinbiyeedyo kala duwan oo ay qeyb ka tahay isticmaalka Khamriga iyo maandooriyayaasha.
Laba ka mida dhalinyarada ayaa lagu soo qabtay xilli ay ku guda jireen cabidda maandooriyayaasha uu qeyb ka haa Khamriga iyadoo lagu tacsiiray 80-karbaash labadooda.
Eedeysanaha kale ayaa lagu sheegay in uu cunayay maalin Ramadaan islamarkaana ay Ciidamada Ammaanka soo qabteen xilli uu raashin ku karsanayay gudaha hoy uu ka daganaa Afgooye.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa la soo sheegaytay howlgalo baaritaana ah oo ay wadeen Ciidamada Xizbul Islaam Afgooye oo inta badan ku radjoogay kooxaha isticmaala Maandooriyayaasha.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somlalia
Comments
comments