Luuqadee la isku fahmaa..! (Sawiro)
Waxaa dalka Uganda tababar ooga furmay Ciidamo loo tababarayo dowladda Soomaaliya, waxaana ciidankan tababaraya saraakiil ka socota Midowga Yurub.
Tababarkan oo socon doono mudo sanad ah ayuu qorshaha yahay in lagu tababarayo ciidan gaaranaya Labo Kun oo ciidan (2000) waxaana ku baxeeysaa lacag gaareeysaa Shan Milyan oo Euro una dhiganta 6.2 Milyan oo Dollar.
Tabarkan oo ka socda BIHANGA MILITARY BASE oo dalka Uganda ka tirsan iyadoo dufcadii ugu horeeysay ee ciidanka Soomaalida ah oo gaaraya 76 uu halkaasi ooga biloowday tababarka balse dhibaatada waxay ka taagantahay is faham la’aan luuqada lagu wada xariirayo.
Mid ka mid ah macalimiinta tababarka bixinaya oo dalka Spain ka socda ayaa English jajaban kula hadlay ciiwiyihisa oo dalka Uganda u dhashay kadibna Caawiyaha ayaa Kiswahili kula hadlay nin Kenyan ah oo kadib Luuqada Afka Soomaaliga ah ku gaarsiiyay ciidanka Soomaalida ah ee tababarka uu u socdo.
Ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loogu qaado dalalka Uganda, Ethiopia iyo Kenya aya ah ciidamo aan heesan aqoon ku filin ama aan helin fursad ay wax ku bartaan waxa ugu daran ee dhibaatada ay kala kulmaana waa Luuqada ay dadka kula xariiraan!
Macalimiinta tababarka siinaya ciidankan Soomaalida ah ee Uganda oga furmay ayaa ka kala yimid dalalka Spanish, German, Hungarian, French balse dhibaatada waxa ay ka taagantahay sida la isku fahmi doono.
Arrin mid la mid ah ayaa ka dhacday Maxkamad ku taala dalka Mareekanka kadib markii burcad badeed Soomaali ah Maxkamad la soo saaray ay fahmi waayay Luuqada English-ka ah iyo danbiga loo heesto intaba.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha,Nairobi-Kenya
Comments
comments