read more »">
Calendar

Layla Kootali Albumkeedii Cusbaa “Alfu Layl (Dhagayso laba heesood oo kooban & Warbixin)

kotaliAlfu Layl wa Leyl waa album cusub oo ay soo saartay Fanaanadda Soomaaliyeed Layla Kootali oo ku dhaqan wadanka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Albumkan heesaha ku jira dhamaantood waa heeso cusub oo ay soo alifeen Mu’allifyada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan. Markaad ka gudubto sida caadada ah furitaanka albumka ayaa waxaa islamarkaa kula boodaya muusiga iyo habsamida loo garaacay heesaha ay Layla soo bandhigtay, heesta ugu horeysa waa heesta ay albumkan ugu magacdartay oo la dhaho Alfu layl wa leyl, waxaa ku xiga heesta Guyaal oo uu qoray, markaad kasii gudubtona waxaad u sii dhaaadhacaysaa hees wadani ah oo run ahaantii aniga aad ii cajabiyay oo lagu magacaabo Lixdankii (waad garan kartaan macnaha ka danbeeya). Intaas markaad maankaaga ka buuxsato ayaa waxaad u gudbaysaa hees aad moodo inaad horay u maqashay oo uu qaadi jiray fanaanka reer Jabuuti, heestaas oo ereyadeedii ay ka mid ahaayeen

“Haddii aan ismoog kaa aarsan lahaa,
Aayahaa danbiyo rajaan eegayaa,
Eed waxaad fashayna ubadkaan dhalaan ku Illaawayaa
caqli iyo dulqaad eebe ii dhashaan
kuugu arxamaa”.

Laakiin heesta Layla Kootali waa jawaab ay ka bixinayso iyadoo u hadlaysa haweenka Soomaaliyeed, heestaas ereyadeediina waxaa ka mid ahaa -

“Afeeftaan iriyo arartayda qaadoo bal  ujeedada uun ka raac,
Afkiyo haadaan ismaqlayn dhaguhu,
Uurkuna la jirin awrkaagii raro,
Awlaadaan dhallayna aabiyo anaa hooyo u ahaa”

Dhagayso: -  

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Dhagayso:- 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Hadan soo gaabiyo hadalka haddii aad damacsan tahay inaad muusig cusub dhagahaaga ugu raaxayso maalmahan, Alfu Layl wa Layl waa midkii aad doonaysay, gaarigaaga ama rikoorka gurigaagana haka saarin marnaba.

Albumka waxaa ka helaysaa meel kasta oo muusig Soomaali ah lagu iibiyo.

Stuudiyaha: Almis Studio
Music: Santana
Soo saare: Miigane & Ilkacase
Waxaa Duubay: J. Milwaukee

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: