Lamaanaha British-ka ah oo jirdil lagula dhaqaaqo.
Bartamaha(Xarardheere):-Paul iyo Richel oo ah lamaane u dhashay Wadanka Britain oo ayaa la soo sheegayaa nin dhibaato xoogan ay u geystaan Burcad Badeeda.
Lamaanahan  u dhashay Britain ayaa waxaa gacanta Burcad Badeeda ay galeen bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay xiligaasi ka dib oo la soo sheegayay dhibaatooyin soo wajahay lamaanaha.
Paul iyo xaaskiisa Richel waxaa lagu kala hayo laba meelood muddo shan todobaad ah oo aysan is-arkin isalamarkaana oo ogsoonyahay in dhibaato lagu hayo xaaskiisa.
Haweenayda  Richel ayaa dhankeeda mujisay qalqal iyo niyad jab soo wajahay iyadoo xustay in qori baadkiisa iyo afkiisaba lagu garaaco.
Burcad Badeeda lamaanaha haysta ayaa waxa ay inta badan sheeganayaan in ay doonayaan lacag madax furasha ah oo laga siiyo lamaanahaasy Britishka ah oo muddo ay gacanta ku hayaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments