Calendar

Lacag Ururin lagu caawinayay dad ku dhibaataysan Soomaaliya oo Columbus lagu qabtay

maaxaay event
Bartamaha (Columbus) Waxaa maalintii Axada ahayd ee taariikhdu ahayd August 15th, 2009 lagu qabtay magaalada Columbus ee Ohio lacag aruurin loogu talo galay dad ku dhibaataysan Soomaaliya oo jirooyin lagu daweyn waayay Soomaaliya qaba.

Xafladdan oo ka mid ahayd lacag aruurino taxane ahaa oo laga qaadayay Soomaalida ku nool waqooyiga Ameerika, waxaana hormuud u ahaa geesiga Soomaaliyeed Maaxaay oo waayadan danbe u tafaxaytay sidii uu ku daweyn lahaa dadkaan dhibaataysan oo aan haysan qof gacan qabta.

gabartabinti
Magaalada Columbus oo ah magaalada labaad ee Soomaalidu ay ugu badan tahay wadakan Maraykanka ayaa isku xilqaantay siday u soo ururin lahaayeen lacago fara badan, taas oo ay ku guulaysteen, waxayna yabooheen kharash badan.  Ilaahay haka abaal mariyee.


Lacag ururinta oo wali sii socota ayaa waxaa maamulku ay noo sheegeen qofkii doonaya inuu caawiyo dadkaas dhibaataysan ay la soo xiriiri karaan lambarka (507) 990 9445 .

Halkan ka daawo Sawiradii

Bartamaha Wararka Magaalooyinka (www.Bartamaha.com)

Comments

comments

Category : Ohio, Photos, The Story.
« »

Comment: