Labo Shubho oo Dhiig loo Daadiyo oo la Qiil Tiray (Bayaan)
Bayaan ay soo saareen laba ka mid ah culimada dunida muslimka ugu caansan ayaa loogu baaqay kooxaha Soomaaliya isku dilaya inay dagaalka joojiyaan iyadoo dhanka kalana uu bayaanku qaadaa dhigay laba shubho oo dhiigga daadintiisa lagu bannaystay taasoo ay diin ahaan u daah rogeen.
Bayaanka oo ay soo saareen Sheekha Caalimka wayn ah (Callaamah) Cabdullaahi bin shaykh almaxfuud bin bayyah oo ah madaxa xarunta caalamiga ah ee cusboonaysiinta iyo toosinta iyo daktoor Cabdullaahi Cumar Nasiif oo isna ah madaxa shirweynaha dunida muslilmka ayaa bayaankooda uu u qornaa sidatan.
Diintu waa Nasiixa
Walaalaha Soomaaliyeedoow….
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wa barakaatuhu
Waxay culimo iyo fuqaho waaweyn iyo ducaad horey idinkugu soo jeediyeen baaqyo ay ku codsanayaan inaad ka joogtaan dagaalka iyo isdilka kaasoo uu ugu danbeeyey bayaankii ay soo saareen ururka caalamiga ah ee culimada islaamka oo idinkugu baaqay inaad dagaalka joojisaan, wadahadalna u jalleecsataan. Waxaa bayaankaasi si cad u muujiyey sida ay jariimada ama danbiga dilka iyo dagaalka dhaxdiina ah uu u weyn yahay iyadoo uu bayaankaasi soo daliilsaday nusuus ama daliillo cad cad oo afjarayaal ah oo quraanka iyo axaadiistaba kusoo aroortay.
Waxaa waajib idinku ahayd inaad dagaalka joojisaan mar haddii ay baaqyadaa xujooyinka cad cad xanbaarsan idin soo gaareen, waxaanse ognahay in sababta qaar dagaalka ugu sii wadaan ay ka dhalatay shubuhaad ay ku dheggen yihiin kuwaasoo aan halkan ku cadaynayno labada shubho ee kuwa wadahadalka diiddan ka laalaadaan oo aan xukumkooda sharciga ah caddaynayno si arrintu u kala caddaato (Qofkii halaagmaya ha ku halaagmo xujo cad kii noolaanayana xujo cad ha ku noolaado). Labada shubho waa in xukuumadda sheikh Shariif aysan shareecada islaamka oogin gaar ahaanna xuduudda halka shubhada kalana ay tahay (Al walaa wal Baraa) oo loola jeedo in xukuumadda sheikh shariif ay gacan saar la leedahay dawlado aan muslim ahayn. Labadan shubho ayaa ahaa kuwo kiciyey fitnada gaalaysiinta iyo bannaysiga dhiigga muslimiinta taasoo ka dhacday meelo badan oo dunida muslimka ka mid ah.
Labadan shubho waxay ka dhasheen faham yari iyo meel qalad ah oo la dajiyo macnaha aayaadka ama axaadiista, waxaana labada sabab marqaati u yihiin hadalkii Cali bin Abii dhaalib Allaha ka raalli noqdee oo Khawaarijta markii ay yiraahdeen “Alle uun baa Xukunka iska leh” oo ugu jawaabay “Waa Oraah Xaq ah balse baadil loola jeedo“, maxaa yeelay waxay macanaha aayadda dhigeen meel aan booskeedii ahayn.
Shubahada Dabaqista Shareecada
Waxaan leenahay waxa shareecada soo hoos galaya waa ballaaran yihiin oo waxaa ka mid ah wax kasta oo la is faray ama alle naga reebay oo taabanaya qaybo kala duwan oo nolosheena xiriir la leh. Xuduudda oogisteeda waa qayb shareecada ballaaran ka mid ah oo loo baahan yahay in la fuliyo sharci ahaan si loo dabarjaro fasaad badan, waxaase loo baahan yahay in si shareecada si sax ah loo dabbaqo waa in la helo nidaam dalka ka taliya oo la adeecsan yahay iyo kala danbayn iyo xasilooni. Xuduudda oogista waa qayb ka mid ah axkaamta suldaanka islaamka sida macluumka ah iyadoo uusan suldaan ama taliskaa jirina ma waajibayso in xuduudda la oogo balse maba bannaanaba sida ay muslimiinta ku ijmaaceen oo uuna sheegay sheikh Qurdhubi.
Midda labaad waa inaan fitno laga baqayn iyo khalal iyo dulduleel diineed sida ka muuqata falkii Cumar bin Khidaab oo uu ku joojiyay ciqaabta nafyiga.
Midda seddexaad inaysan jirin shubhad hor istaagaysa oogista xadka sida gaajada oo kale oo uu Cumar bin Khidaab joojiyey gacan goynta sanadkii ramaada ee abaartu jirtay (Ogow in maantana ay Soomaaliya ka jiraan abaaro iyo gaajo baahsan)
Islaamku waa hannaan isku xiran oo dhammaystiran oo tixgelinaya duruufaha dhaqaale, bulsho, nabadgalyo iyu ruuxeed ee dadka. Qofkii aan tani fahmin ma aha qof fahmay xaqiiqada shareecada islaamka iyo ujeedooyinkeeda ku salaysan u bishaaraynta iyo u sahlista.
Xattaa haddii la helo sharuudihii iyo daruuftii xuduudda lagu oogi lahaa balse uu talisku oogi waayo -iyadoo uusan sharcinimadeeda iyo waajibnimadeeda inkirsanayn- ma aha qofkaasi ama taliyahaasi mid diinta islaamka ka baxay sida ay caddeeyeen kuwa wax xaqiijiya ee ahlu climiga ka midka ah, waxayna ku fasireen qowlka Alle ee oranaaya “Ciddii aan ku xukmin wixii alle soo dajiyey kuwaasi waa kuwo gaalo ah” in gaalnimada aayaddu sheegaysaahi tahay gaalnimo yar ama ka sokeysa gaalnimda weyn ee diinta looga baxo waa sida uu sheegay C/llaahi bin Cabbaas oo ahaa turjumaankii Quraankee iyo saxaabiga kale ee Xudayfa allaha kawada raalli noqdee. Sida darteed mar haddii aan diinta looga baxayn ma aha in dadka tan lagula dagaalo oo dhiigooda lagu bannaysto maxaa yeelay gaalnimada booskeedu waa qalbiga iyo rumaynta. Waxay Xudayfa iyo Bin Cabbaas yiraahdeen ma aha gaalnimo diinta looga baxayo haddii qof muslimiinta ka mid ah uu ku xukmin waayo wixii Alle soo dajiyey ilaa uu qofkaasi kaga kufriyo ama diido Allah, malaa’ikta, kutubadiisa, rasuullada iyo maalinta aakhiro.
Macnahan aan xusnay waxaa laga wariyey koox badan oo Culimada ka mid ah sida Bin Cabbaas, Daawuus iyo Cadhaa hadalkanna waxaa lagasoo qaatay Xaafidka Cabdul Birri iyo kitaabkiisa Al Tamhiid 5/74-75.
Sidaas oo kale waxaa isna yiri Sheekh Ibnu Taymiya oo isna kasoo raraya hadalka Bin Cabbaas iyo Saxaabo kale iyo imaamyada Ahlu sunnah sida imaam Axmad bin Xanbal iyo kuwa kale, waxaana sido kale uu hadalka u tiirinayaa imaam Bukhaari. (Fataawaa ibnu Taymiyah). Waxaa faahfaahin dheeri ah laga heli karaa kitaabka “Fataawaa Fikriyyah” gaar ahaanna curubka Gaalaysiinta”.
Ma aha tani mid lagu fududeysanayo oogista xuduudda sharciga ah balse waa mid arrin walba booskiisa la dhigayo, dadkana loogu yeerayo nabad iyo in dagaalka la joojiyo si loo helo duruuftii sahli lahayd in shareecada la oogo. Allaah ma uusan halaagin reer Makka ama ma ogolaanin in makka lagula dhex dagaalo oo nabigiisa Muxammad SCW ka saaray Makko, oo la dagaalay oo cadaabay asxaabtiisa maxaa yeelay waxaa la ogaa in taasi keenayso in dhib kasoo gaarayo rag iyo dumar bari ka ahaa falka reer Makko oo Alle wuxuu ku xusay suuratul Fatxi (Haddii aysan ahaan lahayn rag iyo dumar muminiin ah oo (la nool ) oo aydan ogayn oo markaad cagta saaraysan gaalada ay dhici karto in kuwan aydan ogayn waxyeeshaan oo ceeb idinka soo gaarto iyo mashaqo (..waa la idin fasixi lahaa inaad kula dagaashaan Makko..).Mar haddii Alle reer Makko oo gaalo u badnaa nabiga iyo saxaabadiisa dhibay diiday in lagula dagaallamo Makko dhexdeeda si tiro yar oo aan la ogayn oo muslim ah dhib usoo gaarin, sideebaad adinkoo sheeganaya inaad xaq difaacaysan aad dagaal kaga dhex wadaysaan oo aad ku dilaysaan bulsho wada muslim ah oo intooda badan bari ah oo dhibka ugu bandanna uu rag, dumar iyo carrruur kasoo gaarayo dagaalka.
Shubhada Labaad
Waa shubhada Al walaa iyo al Baraa (Gargaarsiga iyo ka bari noqoshada oo inta badan lasoo daliilsado aayad oronaysaa ninkii gaalada ka wali yeesha iyaguu ka mid yahay..). Mabda walaa iyo baraa waa isna mid la dhigay meel aan booskiisii ahayn, laguna xanbaaray macno uusan xanbaari karin, dadkiina lagu gaalaysiiyey muuqaallo daahirka ah oo aan xaqiiqo lahayn iyo hadallo guud oo aan si dhab ah fasirkooda loo fahmin..
Erayga wilaaya ama walaa iyo erayada kale ee laga dhanbalay sida mawlaa, walliy waxay kitaabka iyo sunnada ugu soo arooreen siyaabo kala duwan iyagoo xanbaarsan macnayaal kala duwan oo gaaray ilaa iyo 21 macno sida Rabbi ama Eebbe, Maalik, Xoreeye, Qariib, Daris, Adeer, Waday ama partner, gargaare …iwm. Murtadaa Zubaydi wuxuu leeyahay macaanidaa badankeed waxay ku timid axaadiista waxaana lagu xirayaa waxa uu taabtay xadiiskaa oo uu ku yimid.
Walaaga waa noocyo iyo darajooyink kala duwan, midka diinta looga baxayana waa markii uu yahay walaa xagga caqiidada ah.
Waxaa kamid ah walaaga midka xiriirinta iyo gargaarka qaraabada haba ahaadeen kuwa aan muslim ahayne (Qaraabadana qaarkeed qaarka kale ayuu ku mudan yahay oo uu u xaq leeyahay mara ka la eego kitaabka alle). Sidoo kale Nabiga scw wuxuu Asmaa ku yiri oo hooyadeed gaal ahayd “Xiriiri hooyadaa..”. Walaaga wuxuu noqon karaa xaraan sida haddii uu ku jiro macsi iyo dil ku kaalmayn, Waxaase kooxaha muslimiinta qaarkood siiyeen erayga walaa macno aan sax ahayn, sidaa darteedna waa ka digeen culimada waayen ee ahlu sunnada sida Imaam Axmed bin Xanbal allaha ka raalli noqdee sida uu ka warinayo asdhakhari oo uu leeyahay imam Axmed Alwalaaya waa bidco al Baraana waa bidco sida ku timid kitaabka “dhabaqaad al xanaabila” sidoo kalena wiilkiisa Cbadullaahi bin Axmed wuxuu kitaabkiisa alsunna ku xusay wax badan oo arrintan taabanaysa.
Sidaa darteed ma bannaana in lagu dhago shubhada alwalaa wal baraa oo lala dagaallo ciidamada midawga Afrika ee u timid gacansiinta dalka kuna timid go’aan goboleed iyo mid Soomaaliba. Muslimiinta waxaa magangalyo bixin kara kooda ugu yar ama sokeeye ka warran haddii cid masuul ah ay tiraahdo ha la nabad geliyo waa in la qadirayaa, mana bannaana in lala dagaalo iyadoo ay ka mudan tahay in Soomalida ka heshiiso waqtiga ay joogayaan ama haddii ay ka maarmi karaan iyo waxa ay qabanayaan iyadoo hadii la heshiinayana ay sahlanaanayso inay dalka ka baxaan baahidii keentana ay meesha ka baxayso.
Walaalayaal ilaahay ka cabsada oo dhexdiina hagaajiya, oo ha is gaalaysiinina si taasi laagu qiil bannayso dagaalka iyo daadinta dhiigga muslimka (Allena u toobad keena muminiinow waxaa la arkaa inaad liibaantaane..)Tani waa naseexo aan idiin soo jeedinayno waxaanan diyaar u nahay in aqoon isweydaarsi aan idinla yeelano si aan xaqqa u caddayno la xiriira arimahan aan ka hadalnay iyo kuwa kalaba. Waxaan xukuumada ay waxgaradka Soomalida ama qayb ka mid ah doorteenna ugu yeeraynaa inay wadahadalka xoogga saarto dagaal ka horow sidii Cali bin abii daalib uu sameeye oo Ibnu Cabbaas ugu diray khawaarijta oo uusan la dagaalin ilaa iyagu ay ka soo weerareen.
Waxaan sidoo kale Jabuuti iyo Eretereya oo hore shacabka Soomaliyeed u garab istaagay waqtigi gumaysiga Itoobiya ka codsnaynaa inay mar labaad kawada shaqeeyaan sidii Soomaalida la iskugu keeni lahaa.
Waxaan sidoo kale Culimada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay bayaankan faafiyaan, wax ku daraan ka toosiyaan, ujeedkeennu waa xaqqa iyo sidii dhiigga daadanaya loo joojin lahaa.
Waxaan ka rajaynaynaa Soomaalida inay diyaariyaan qorshe dalka looga saarayo dagaalka iyo dib udhaca iyo raadaadka ka dhashay waana kaa jihaadka dhabta ah.
Sida ibnu Taymiya sheegay jihaadka waxaa soo galaya dhammaan hawlaha wanaagga iyo samafalka.
Waxaan rajaynayaa in la helo qorshe dhammaan kooxaha kala duwan ku wadaagayaan baarlamaanka iyo xukuumadda, dibna loogu hagaajinayo qaab dhismeedka dowladda si ka tilmaan qaadaysanaya shareecada islaamka, ujeedooyinkeeda iyo xeerarkeedaba.
Qorshe nololeed waa in lala yimaadaa ee maya qorshe geeriyeed (Kuwa Alle rumeeyey yeela haddii Alle iyo rasuulkiisa idinkuna yeeraan wax idin noolaynaya..). Qorshe nolol sharaf leh oo adduunyo iyo aakhiro u horseedaya shacabka sida in dhaqaalaha kor loosoo qaado, lasoo celiyo dadka qaxay, la gargaaro kuwa tabaalaysan, la tababaro hawlwadeennada dalku u baahan yahay, la qoro qawaaniin ku salaysan shareecada islaamka oo dadka kala hagta. La diyaariyo siyaasad dibadeed ku salaysan daris wanaag iyo ilaalinta danaha guud iyadoo si gaar ahna xiriir wanaagsan loola yeelanayo Jabuuti iyo Ereteraya oo shacabka Soomaaliyeed siyaabo kala duwan usoo garab istaagay waqtigii adkaa iyo sidoo kale dalwadaha islaamka iyo carabta oo iyana xiriii wanaagsan lala yeesho. Iyadoo ayna suurto gal tahay in Itoobiya lala gaaro heshiis ah inaan la isku soo xadgubin inkastoo ay horey xad gudub u samaysay.
In dib u habayn lagu sameeyo ciidamada oo ay soo galaan kooxaha hubaysan ee kala duwan sida shabaabka, maleeshiyaadka kale, askartii hore iyo xittaa burcad badeedka si ay u wada helaan fursad ay dalkooda ugu adeegaan oo maciishadna ku helaan.
Waana inaad madaxiina kor u qaadaan, cid kastana la kaashataan oo ay xitaa ku jiraan dawladaha waaweyn ee siyaasaadkoodii dib u eegaya sidii ay u noqon lahaayeen awood nabadgalyo oo aysan u noqon lahayn awood wax garaacda oo burburisa oo qura
Waad sugteen geesinimadiina goobaha dagaalka waxaase la idin karabaa inaad sugtaan xilkasnimadiina sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.
Islaamka waa diin naxariis u ah caalamka oo idil waana diin nabad iyo jacayl. Nabiga naxariis iyo nabadgeliyo dushiisa ha ahaatee sida uu ibnu Isxaaq sheegay wuxuu amray Nabigu in la dhawro Eey carruur wadata oo gudbaysa wadada ciidankiisa oo aan laga argagixin xayawaankaa oo ay muddo u xayirnaayeen bal ka warrama ka naxinta, dilka iyo qixinta dad muslimiin ah.Kuwani waxay ahaayeen kuwa dareenkeena kusoo dhacay iyo cinwaanno ay haboon tahay inaad ka wadahadahsaan, innaguna aan diyaar u nahay inaan idinkala qayb galno sidii sharci ahaan loo salayn lahaa iyado maslaxadda siyaasadeedna la eegayo oo ka mid ah masaalixda shareecada islaamka sida uu xusay Abuu isxaaq Alshaadibi
Alle ayaan u qasdaynaa oo nagu filan oo aan tala saaranaynaa
Wasalamu Calaykum Waraxmatyullaahi wabarkaatuhu
Callaama Cabdullaahi bin Shaykh Almaxfuud bin Bayyah
Madaxa Xarunta Calamiga ah ee cuboonaysiinta iyo toosinta
Iyo Dr Cabdulahi Cumar Nasiif
Madaxa Shirweynaha ama Mutamarka Caalamka Islaamka
Tarjumaaddii C/qaadir Cabdi
Bayaanmka aan soo tarjumay asalka nuqulkiisa oo linkigan laga heli karo waa kan hoos ku qoran.
 http://www.islamtoday.net/albasheer/artshow-12-114405.htm
Comments
comments