Labo Nin oo Soomaali ah Oo Nolosha Lagu Gubay
CAPE TOWNÂ Â Â Â Â Laba dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku nafwaayey dab qabsaday goob ganacsi oo ku tiilay Tuulada Daalin oo ilaa 130 km ugu beegan dhanka Waqooyi bari Magaalada Cape Town ee dalka K/Africa.
ALLAHA u Naxariistee Cumar Yuusuf Caraale iyo Xuseen Axmed ayaa durbadiiba isla goobta sida uu Sanaagpost u xaqiijiyey Wariye C/laahi Xaaji Xuduu oo ka tirsan saxafiyiinta Soomalaida ee ku nool dalkan K/Africa oo goobta dhacdadaasi ka dhacday tagay isla xalay.
Taraq iyo Baasiin
Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin sababta rasmiga ah ee dabku u kacay balse dadka degaanka ayaa sheegaya in dukaanka afarta dhinac loogu bil bilay basiin dabaded lagu qabtay taraq, booliska aya sheegay in ay wadaan baaritaano badan oo su,aalo ku waydiinayaan dadka degaanka balse ilaa hadda waxba ma aysan noo cadaynin.
Dukaanka ayaa ahaa guryaha hoos Alwaaxa ka ah taasi oo sahashay in dabka hal mar uu holco meel walbana uu ku fido waxay ahayd bishii Feb 6 deedii Markii dukaan Soomali ay leedahay kana sameysnaa Kunteenar oo ku yaalay tuulada Delf isana dab la qabadsiiyay wiilasha ku jirayna meel ay ka baxaan ay garan wayeen Dhacdo kale oo la mid tani ayaa ka dhacday magaalada Port Elizabeth sanadkii 2006 halkaasi oo lagu gubay 3 muwaadiniin Soomali ah.
Maxaa La gudboon Soomalida.
Waxaa jirra dukaamo ay Soomaalida leedahay oo ka sameeysan Jiingado, Cooshash, Mundul, ama Kunteenar oo aadan hal habeen xitaa aadan jiifan karin kaaga daran waxaa ka soo gala daqli aad u badan oo hal bil waxay helaan ku sameysan kara guri ka dhisan Shub oo xitta xabada ka soo dussi karin dab haduu kacana dhanka kale uga bixi kara.
Kuma koobna Dab qabadsiin oo kaliya ee Soomaalida ku dhaqan dalkan Koonfur Africa ayaa aalaaba lala beegsadaa falal dil bareer ah, taasi oo loo aaneyn karo in meelaha amaankoodu xun yahay ay gobo ganacsi oo yar yar ka furtaan iyagoo raadinaya nolol dhaanta sii ay uga soo tageen Somalia, balse aan eegin khatarta ku iman karta noloshooda.
Comments
comments