read more »">
Calendar

Labo Nin Mareykan ah oo Alshabaab ku biiri lahaa oo xabsi’daain lagu xukumay

Maxkamada ku taala gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa xukun adag ku riday labo nin oo la sheegay inay qorsheenayeen inay ku biraan kooxda Alshabaab ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Maxamuud Alessa oo 21-sano ji ah iyo Carlos Eduard Almonte oo 24-sano jir ah oo labaduba heysta dhalashada dalka Mareykanaka ayaa maxkamada ka horqirtay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda alshabaab ee xiriirka dhow la leh Al-qaacida,isla markaana ay doonayeen inay falal argagaxisinimo fuliyaan waa sida ay sheegeen.

Labadaan nin ayaa maxkamada ku xukuntay xabsi daa’in,waxaana ciidamada amaanka gobolka New Yok ay gacanta ku dhigeen sanadkii hore bishii June markaasi ay doonayeen inay ka dhoofaan Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Kennedy International airport,iyagoona qosheeyay inay dalka Masar ku dagaan,ka dibne ay halkaasi dalka Soomaaliya ugu sii gudbaan si ay ugu biiraan kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale Maxamed Maxamuud Alessa iyo Carlos Eduard Almonte waxey maxkamada ka hor qirteen inay tababar horay ugu soo qaateen dalka Jordan sanadkii 2007,iyagoona halkaasi kula kulmay rag oo kale oo taageera kooxhaa islaamiyiinta ee manyalka adag.

Maxamed Alessa dhalshaada dalalka Mareykanka iyo Jordan,iyadoona sidoo kale MR Almonte  uu ka soo jeedo Dominican Republic isagoona la sheegay inuu ku soo barbaaray diinta Roman Catholic,inkastoo uu diinta Islaamka  qaatay todobo sano ka hor.

Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay inay shaqaaleysiisay ku dhawaad 20 qof oo heysta dhalashada dalka Mareykanka,iyadoona dadkasi intooda badan ay yahiin dhalinyaro ka timid Minneapolis,inkastoo uu sidoo kale jiro nin caan noqday oo lagu magacaabo Omar Hammami oo dalka Suuriya dhalasho ahaan ka soo jeeda,kaasi oo dhowr jeer oo haray ka soo muuqday canjalad Video ah oo Alshabaab ay soo dirtay

Xafiiska Wararka Nairobil

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: