Laba Wiil oo Soomaali ah oo Xabsi lagu xukumay dalka Sweden
Bartamaha ( Gothenburg):- Laba Wiil oo Soomaali ah ayaa xukun sanada ah waxaa ku riday Maxkamada ku taala Magaalada Gothenburg Ee Dalka Sweden.
Labadan wiil oo lagu soo eedeeyay Falal xiriir la wadaagida Argagixisada ka jirta Soomaaliya ayaa waxa ay sabab ka dhigtay in ay mutaystaan Xabsi iyo rajja beel ku aadan marka ay dhamaystaan Xabsiga lagu xukumay.
Labada wiil oo lagu kala magacaabo Maxamuud Jaamac iyo Bile Ilyaas Maxmed ayaa waxaa Maxkamada ay ku xukuntay Min 4-Sano oo xarig ah waxaana loo cuskaday sharciga la dagaalanka argagixisada.
Labadan wiil ayaa waxaa Maxkamada la hor keenay Codadkooda xilli ay la hadlayeen Sargaal shabaab ah oo Soomaaliya ku sugan iyo dad kale oo la aaminsan yahay in ay ahaayeen kuwa xiriir la leh Al-qaacida.
Xukunka ku dhacay Maxamuud Jaamac iyo Bile Ilyaas Maxmed ayaa waxaa sidoo kale loo tiigsaday in ay ahaayeen dhalinyaro tababar haysatay oo ka timid Soomaaliya islamarkaaga ay qorshaynayeen fulinta weerar.
Labadan wiil oo kala ahaa Mohamoud Jama oo da’diisa tahay 22 sano jir iyo Bille Ilias Mohamed oo 26sani jir ah ayaa 4-sano ka dib waxa ay noqonayaan kuwa aan la ogayn waxa ay mutaysan karaan maadaama laga helay fal argagixiso.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments