Laba Shariif iyo Sharma’arke oo Khilaaf ku kala tagay (Warbixin Xasaasi ah).
Bartamaha (Muqdisho):- Warar Xaqiiqda u dhow oo aynu ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Khilaaf ay ku kala tageen saddexda masuul ee ugu saraysa Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.
Shirar isdaba joog ah oo Shalay galab illaa Xalay ka socanayay aqalka Madaxtooyada ayaa sheegaya in ay isku afgaran waayeen Madaxweyne Shariif,Ra’iisul Wasaare Sharma’arke iyo Shariif Xasan gudoomiyaha Baarlamanka.
Saddexda masuul ee Dowlda KMG ah ugu sareeya ayaa la xaqiijiyay in shalay ay ka shirayeen Khilaaf dib u dilaacay oo muujinaya kala Feker duwanaansho Baarlamanka dhexdiisa ah oo Madaxweynaha uu Eedaasi dusha ka saaray labada masuul ee kale.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa ka xumaaday baaqashadii shalay ee shirka Baarlamanka isagoo arintaasi kala hadlayay Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamanka oo shalau uun soo gaaray Magaalada taasi oo keentay in labada masuul ay is afdhaafaan sida warka aynu ku helnay.
Muddo ka dib shir ka furmay Villa Somalia oo saddexda masuul ay yeelanayeen ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu dalbaday in Xukumada ay si deg deg ah kalsoonida u weydiisato Baarlamanka oo aan mar kale dib loo dhigin arintaasi wallow gudoomiyaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay Cudur daar arinmtaasi ka geeyeen taasi oo muran iyo isqabqabsi abuurtay sida aqalka madaxtooyada aynu ka helnay.
Ugu danbayntii Masuuliyiinta saddexda ah ayaa waxa ay ku kala kaceen shirarkii u socanayay waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu qarka u saarmay in uu u yeero Warbaahinta taasi oo aan la ogayn waxa uu shirkaasi uga hadli lahaa maanta.
Warar ka madax banaan masuuliyiinta ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu ka caga jiidayo In Xukumadiisa ay Kalsoonida Baarlamanka waydiisato taasi oo la sheegay in sababteeda ay tahay Xildhibaano weli ka caraysay Sharma’arke oo doonaya in xilka uu waayo.
Isku soo duub Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamanka ee xiligan talada haya ayaa laga sugayaa go’aanka ugu danbeeya xilli xildhibaano badan ay wadaan gaashaanbuursi ku aadan sidii Kalsoonida uu ku weyn lahaa Dr.Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha Xukumada KMG ah.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirkii hore Ee Maaliyada oo xilka Gudoomiyaha qabtay iyadoo aan lagala xisaabtamin dhaqaale bdan oo Wasaaradiisa ay bixisay ayaa haatan waxaa la sheegayaa in uu weli yahay shaqsiga aadka ugu dhow Ra’iisul Wasaaraha waxaana la sheegay in shalay uu lahaa amarka lagu baajiyay shirkii lagu doonayay in Xukumada ay kalsoonida ku soo dalbato iyadoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee uu amarkaasi u bixiyay iyo Ujeedooyinka u qarsoon intaba.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments