Laba Saxafi oo muddo Sanad ah afduub loogu haystay Muqdisho oo la sii daayay.
Bartamaha(Muqdisho):-Laba Suxufi oo u kala dhashay wadamada Canada iyo Australia ayaa Xalay Muqdisho lagu sii daayay ka dib markii muddo sanad iyo bar ka badan lagu haystay Soomaaliya.
Amanda Lindhout oo u dhalatay dalka Canada iyo Nigel Brennan yaa waxaa la afduubtay  bishii August 23, 2008 xiligaasi oo ay howlko ogaanshaha nolosha Barakacayaasha ay u tageen Ceelasha Biyaha.
Labada Saxafi ayaa fiidnimadii xalay la geeyay Hotelka Saxafi Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mudanayaal baarlamanka ka tirsan oo u galbiyay halkaasi.
Afduubta Suxufiyiinta ayaa waxa uu dhacay xilli hore iyadoo la sheegay in ay gacanta ku hayeen Koox ka mida Islaamiyiinta Soomaaliya kuwaasi oo geysty gobo aan la garanaynin.
Labada Saxafi oo ka hadlay Xaaladooda ayaa waxa ay sheegeen in ay wanaagsan yihiin oo aanay qabin wax dhibaata ah islamarkaana ay lagu hayay qeybo badan oo Somaaliya ka mida xiligii dagaalada ay socanayeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments