Laba qarax oo Xalay lagu weeraray Ciidamada Booliiska Puntland gudaha Boosaaso.
Bartamaha(Boosaaso):-Kooxo aan la aqoonsan ayaa Xalay laba qarax bam ah ku weeraray Ciidamada Booliiska Magaalada Boosaaso ee Puntland.
Laba Qarax oo ahaa nuuca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliiska Magaalada Boosaaso halkaasi oo qasaara uu ka dhashay.
Qaraxyada Xalay Boosaaso ka dhacay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa si gaadma ah Ciidamada loogu tuuray taasi oo waxyeela ay ka soo gaartay Ciidamadaasi.
Qaraxyadaasi illaa haatan lama ogaan qasaara ay geysteen wallow la sheegay in Ciidamada Booliiska qaarkood ay ku dhaawacmeen qaraxaasi
Maamulka Magaalada ayaa dhawaanahan isku dayay in ay wax ka qabtaan ammaanka guud iyagoo xiligan wada qorshe ammaanka wax looga qabanayo.
Qaraxyada ayaa noqday kuwa ku soo batay Boosaaso oo habeenadii la soo dhaafay weeraro aan la garan cida gaysatay lagu qaaday Booliiska xarumaha ay daganyihiin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments