Calendar

Laba Nin oo u dhashay Kenya oo Maanta la sii daayay.

mogadishu-map-300x225Bartamaha(Muqdisho):-Laba nin oo u dhashay dalka Kenya ayaa maanta dib loo sii daayay ka dib laba cisho oo Muqdisho lagu haystay.

Sida ay galabta daabacday Wakaalada Wararka Reuters waxaa dib xuriyadooda u helay laba nin oo u shaqeynayay Madbacad Suuqa Bakaaraha ka furay oo Kooxda Alshabaab ay qafaashaan laba cisho ka hor.

Abuukar Cali Axmed oo ah Maamulaha Madbacada Xamar Cadde ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in ay xuriyadooda heleen laba nin oo Alshabaab ay afduubeen.

Maamulaha ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin buuxda ka bixiyo qaabka loo sii daayay raggaasi balse waxa uu xusay in xuriaydooda ay heleen ka dib dadaal xoogan iyo baaritaano.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa waxa ay sheegayaan in dammaanad lagu sii daayay raggaasi Kenya u dhashay oo dhawaanahan afduub loo haystay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: