Laba Haween Qaad cunayay oo lagu Tacsiiray Walaweyn.
Bartamaha (Muqdisho):- Fagaara ku yaala Degmada Walaweyn Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa lagu Tacsiiray Haween lagu Eedeeyay in ay wadada ku cunayeen Qaad.
Sida uu fagaare ku yaala Walaweyn ka sheegay sargaal shabaab ah oo Xukun ku ridayay Laba Haween ah oo lagu soo Eedeeyay isticmaalka Qaadka ayaa waxa uu sheegay in Wadada laga soo qabtay xilli ay jaad cunayeen.
Labada Haweenka ah ayaa lagu xukumay 30-Karbaash oo lagu sheegay in looga Oofinayo Xadka oo isla goobta lagula dhiftay Karbaashkaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka ee loogu yeeray daawashada Tacsiirta.
Haweenka Xukunka ku dhacay ayaa waxaa laga soo qabtay gudaha xaafadaha Degmada Walalweyn oo horay looga mamnuucay ku cunista Qaadka iyo ka ganacsigiisa intaba iyadoo la geeyay suuqa Qaadka duleedka Magaalada.
Waa markii ugu horaysay oo si bareer ah loo diido Qaadka lagu cunayo wadooyinka amarkaasi oo ay soo saareen saraakiil dhawaan loo magacaabay maamulka Alshabaab Degmada Walaweyn Ee Gobolka Sh/Hoose.
Haweenka lagu xukumay Cunista Qaadka ayaa waxa ay ka soo jeedaan Degmadaasi Walaweyn waxaana xukunkan uu noqonayaa midkii ugu horeeyay ee lagu rido Haween la sheegay in ay cunayeen Qaadka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments