Laba dhalinyara ah oo lagu dilay Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Laba dhalinyara ah yaa maanta lagu dilay Xaafada Nasteexo Degmada Wadajir Muqdisho.
Labada wiil ayaa Xalay lagala dagay gaari rakaab ah oo marayay gudaha Degmada Madiina waxaana xalay oo dhan lagu hayay jirdil sida dadka deegaaanka ay xaqiijiyeen.
Saaka aroornimadii hore ayaa labadaasi wiil ay dileen Ciidanka Dowlada waxaana lagu eedeynayay qarax maalin ka hor ka dhacay Xaafada Buula Xuubay Degmada Wadajir.
Maydka labada wiil ayaa loo diiday in ay qaatan eheladooda waxaana saacada badan lagu haayay goobta Xalay lagu jirdilayay oo saaka rasaasta lagula dhiftay.
Dilka ayaa imaanaya xilli ammaanka guud Ee Degmada Wadajir Muqdisho uu soo hagaagayo waxaana bilowday beegsashada dhammaan dadka looga shakiyo la shaqeynta qolyaha Mucaaradka ah.
Â
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments