Calendar

Kumaandooska Maraykanka oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday koox ka tirsan Alshabaab ee ka dhacay Baraawe

Ciidamada Kumandoska Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaray Navy Seal ayaa qaaday howl gal habeen hore ka dhacay degmada Baraawe, kaasoo bartilmaameedkiisa ahaa guri uu degenaa sarkaal ka tirsan Al-Qaacida oo la shaqeeya Shabaab.

Xoghayaha Warbaahinta ee Pentagon George Little ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qaadeen howl galkaas oo ujeedadiisa aheyd in la soo qabto nin lagu tuhunsanaa guriga la weeraray ee ku yaalay Baraawe.

George Little ayaa sheegay in ciidamada aanay wax qasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac midna gaarin, isagoo ka gaabsaday inay ka gun gaareen bartilmaameedkii weerarka iyo inay soo qabteen.

Wararka ayaa sheegaya in howl galkaas Soomaaliya uu fashilmay, hase ahaatee howl gal kale oo shalay sabti aheyd ay Ciidamada Kumandoska Mareykanka ka fuliyeen dalka Libiya ay ku soo qabteen Nin Libiyan ahaa oo ka mid ahaa dadkii abaabulay weeraradii 1998-dii ee Safaarada Mareykanka ku lahaa Kenya iyo Tanzania.

Howl galada ayaa wxaaa fuliyay ciidamada loo yaqaano Seals ee sida gaarka ah u tababaran, kuwaasoo horay u fuliyay howl galkii Usama Bin Laden lagu dilay ee May 2011

Sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa sheegina ayaa jariirada The New York Times u sheegay in weerarka Baraawe la qorsheeyay todobaad iyo bar ka hor, isla markaana bartilmaameed uu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab oo aan magaciisa la sheegin.

Howl galkan ayaa noqonaya kii u horeeyay afar sano kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay 2009 September ku dileen meel ku dhow Baraawe Saalax Cali Saalax Nabhaan oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Qaacida ee geeska Afrika.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: