Kullan balaaran oo Nairobi ku dhaxmaray Dhalinyaro Soomaaliyeed iyo Xisbiga Soomaalida cusub.
Bartamaha (Nairobi):-Shir weyn ay so qaban qabiyeen xisbiga Somalida cusub ayaa ka dhacay magalada Nairobi ee wadanka Kenya iyadoo ay kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada.
Ugu horentii Shirka oo ku bilowday daawashada film Documentary ka hadlayo wax qabadka hogaanka xisbiga Somalida cusub iyadoo dadkii daawadayne ay la dhaceen Filimkaas.
Waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Bourd-ka jaamacada Muqdisho C/raxmaan Macalin Cabdullahi (Baadiyow) oo si weyn ugu dheeraaday dowrka wanaagsan ee dhalinyarada ay ku leehyihiin bulsha kasta oo jirta iyaddoo Baadiyow uu si faahfaasan ooga hadlay dhibaatada heesata ummada Soomaaliyeed.
Waxa kale oo ha kadlay gudoomiyaha xisbiga Somalida cusub Cabdisalam Yuusuf Guulled (Daljir) waxa uu xusay in is badal ay sameyn karaan dhalinyaro kasta oo Somali ah iyo dhamaan bulshada, xilligeedane la jooga.
“Hooyadeeda waxa ay qaxday 7-jeer, waxa ay iga baahantahay inaan xoreeyo – taasi macnaheeda ma aha inaan kala jeedo hooyadeeda kaliya balse hooyo kasta oo Somali ayaa u baahan in la xoreeyo†ayuu si qiiro leh u yiri Cabdisalaam Guulleed.
Khadiijo Ciise oo ah gudoomiyaha dhalinyarada ururka Hadaf ayaa halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay iney taageersan tahay isku dayga Xisbiga Somalida cusub ee iney hogaanka qabtaan.
Mahad Maxamed Xaashi oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada (Doxa Youth Movement) ayaa xusay in dalka xaalada uu ku jiro ay badali karaa dhalinyarada, sida bulshooyinka kale ee caalamka ay horey u sameeyeen.
Kamaludiin Daahir Xasan oo kamid ah dhalinyarada aqoonyahanada ee kasoo qeyb galay shirka ayaa si xoogan u sheegay inay Somaliya u baahan tahay is badal dhab ah oo dhalinyarada ay sameeyaan.
Ibrahim Qaliif cabdi oo ah gudoomiyaha golaha dhexe ee dhalinyarada UDHIS ayaa soo dhaweeyay xisbiga Somalida cusub, waxana uu xusay in la gaaray xilligii ay dhalinyarada hogaanka ay qaban lahayeen.
Si kasta ha ahaatee shirka oo kasoo qeyb galeen dhalinyaro kor u dhaafayso 400-boqol waxa ay muujineysaa sida dhalinyarada u taageersan yihiin isbadal dhab ah oo wadankeena ku sameeyaan.
Xisbiga Somalida cusub
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Sawiro dheerad ah halkan ka daalaco.
Comments
comments