Calendar

Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo maanta baaqday iyo xildhibaan ay Ciidanka Dowlada dhawac u geysteen.

barBartamaha(Muqdisho):-Kulankii Baarlamanka ee maanta ayaa fashil ku dhamaaday markii ay soo xaadiri waayeen mudanayaashii la doonayay in Kooramka uu ku buuxsamo kuwaasi oo aan imaanin.

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada KMG ah Sheekh Aadan Madoobe oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulanka uu doonayay in maanta lagu qeybiyo ajande la soo hordhigay baarlamanka kaasi oo maanta qeyb ka mida la qeybiyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in loo baahanyahay in mudanayaasha Baarlamanka ay shaqadooda gutaan islamarkaana waajibka saaran ay ka soo baxaan isagoo dhaliilay qaabka ay xiligan u shaqeeyaan.

Gudoomiyaha ayaa muddo 10-cisho ah u qabtay xildhibaanada dalka ka maqan kuwaasi oo aan ka soo qeybgalin kulankii dhawaan dhacay iyo midka maanta baaqday ee Baarlamanka Dowlada KMG ah Soomaaliya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamanka ayaa qiray in dhaawac uu soo gaaray mudane Baarlamanka ka mida kaasi oo xilli uu doonayay in uu soo galo xarunta shirka ay ciidanka dowlada dhaawac u geysteen.

Xildhibaanka ayaa la amray in uu gaariga ka soo dago ka dibna lug uu ku galo xarunta maamulka Gobolka Banaadir halkaasi oo ay baarlamanka ku shiraan wallow ka dib dhaga adeeg uu sameeyay la dhaawacay mudanahaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: