Kulan Xasaasi ah Saddex geesood ah oo ka socanaya Dakada Muqdisho .
Bartamaha(Muqdisho):-Kulan Xasaasi ah oo lagu doonayo in lagu furo dakada Muqdisho oo shaqadeeda ay joogsatay ayaa haatan ka socanaya gudaha Dakada Muqdisho.
Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaaraya Dakada ayaa waxa ay sheegayaan in uu kulan u dhexeeya Golaha Wasiirada,Maamulka Dakada Muqdisho iyo Ganacsatada uu haatan ka socanayo gudaha Dakada.
Kulanka ayaa waxaa lagu lafa gurayaa khilaaf ba’an oo soo kala dhex galay Ganacsatada wax kala soo dagta dakada iyo Maamulka Dakada Muqdisho kaasi oo Golaha Wasiirada ay raali ka ahaayeen.
Ganacsatada Dakada kala soo dagta badeecadaha ayaa waxa ay diideen go’aan ay gaareen Maamulka Dakada kaasi oo ku aadanaa in ay alaabahooda ku dajiyaan bakhaarada dakada kaasi oo sababay in dakada howsheeda ay istaagto.
Kulanka ayaa ah mid socanaya iyadoo Saddexda dhinac ay doonayaan in ay isfaham ka dhaliyaan khilaafka sababay in dakada howsheeda ay istaagto taasi oo shalay cabasho ay ka dhigeen xoogsatada dakada Muqdisho.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments