Kulan Xasaasi ah oo maanta New York uga furmaya wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya.
Bartamaha(Muqdisho):-shirkan ayaa manta lagu wadaa in uu uga  furmo magaalada New York ee dalka Maraykanka wadamada daneeya arimaha soomaaliya (Somalia Contact Group) kuwaasi oo ku midoobay la socashada arimaha dalka soomaaliya.
Â
Wadamada Xubnaha jogtada ka ah  Somalia Contact Group oo kala ah dalalka Talyaaniga,Maraykanka,Ingiriiska,Faransiiska Norway iyo dalal kale ayaa waxa ay gaarayaan magaladaasi New York halkaasi oo la filayo in uu manta ka furmo shirkaasi.
Â
Shirka manta furmaya ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan Xubna ka socda wadamada  IGAD iyo jaamacada Carabta kuwaasi oo si rasmi ah loogu marti qaaday kulanka looga tashanayo arimaha ku soo kordhay dalka soomalaiya.
Â
Kualanka manta dhacaya ayaa la xaqiijiyaya in looga arinsanayo sii awoodaysiga kooxaha islaamiyiinta Alshabaab iyo taagdarada soo wajahday dowlada soomaaliya xiligan soo wajahday.
Kulanka ayaa dhanka wadanka soomaaliya waxaa uga qeybgalaya wasiirka Kaluumaysiga C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo dhawaan sheegay in uu soomaaliya dhankiisa u matalayo Somalia Contact Groupka maadaama uu tilmaamay in xiliyadii hore ay ka maqnayd booskaasi dhanka soomaliya .
Â
Lama oga natiijada ka soo baxayso shirweynahaasi balse waxaa dalalkaasi looga bartay Balanqaad maaliyadeed oo aan fulin lahayn taasi oo dowladahaasi ay u jeediyaan dhanka dowlada soomaalia.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments