Kulan Xasaasi ah oo Maanta madaxda Xizbul Islaam ay ku yeesheen gudaha Suuqa Bakaaraha iyo khilaaf ka dhextaagan oo cirka isku shareeray.
Bartamaha(Muqdisho):-Warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com Muqdisho ayaa sheegaya in maanta kulan xasaasi ah ay yeesheen Madaxda ugu saraysa Xizbul Islaam.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankaasi ay goob joogayaal ka ahaayeen Saraakiil sare oo ka mida Xizbul Islaam sida Sheekh Xasan Daahir Gudoomiyaha Xizbul Islaam,Sheekh Muuse Caraale,Sheekh Xasan Mahdi iyo madax kale.
Kulanka ayaa waxa uu socday muddo saacada ah iyadoo madaxda Xizbul Islaam ay guud ahaan isku mari waayeen khilaaf ba’an oo dhawaanahan soo baxayay oo ka dhashay dagaaladii Kismaayo.
Xubo caraysan oo ka mida Xizbul Islaam ayaa waxa ay hadalo qaraar ka jeediyeen goobta shirka uu ka dhacayay sida uu xaqiijiyay sargaal ka mida Xizbul Islaam.
Ururka Xizbul Islaam ayaa waxa ay haatan isku haystaan sidii loo wareejin lahaa Hubka ay leeyihiin Sarakiisha iyo Ciidamada ka soo tagay asal ahaan Gobolada Jubooyinka ee ku xayirmay Muqdisho.
Ragga kulanka joogay qaarkood ayaa waxa ay u yimaadeen sidii ay uga bixi lahaayeen Xizbul Islaam oo ay u qaadan lahaayeen Hubkii ay lahaayeen oo haatan gacanta uu ku hayo Madaxa Gaashaandhiga Sheekh Muuse Caraale.
Faah-faahinta ayaa waxa ay tahay mid iska kooban wallow la ogaaday in saraakiil caraysan ay Muqdisho joogaan kuwaasi oo ka xumaaday gurmad la’aantii ku dhacday dagaaladii Jubooyinka ee lagu tir-tiray Xizbul Islaam awoodoodii Jubooyinka.
Warar soo ifbaxaya ayaa sidoo kale Muujinaya in laga yaabo in Alshabaab ay ku biiraan madax sare oo Xizbul Islaam haatan ka mida sida Sheekh Muuse Caraale oo ah ninka haaya awooda dhanka Ciidanka iyo Saanada Xizbul Islaam.
Wixii warar ah ee ku soo kordha is qabqabsiga Xizbul Islaam ka dhextaagn kala soco www.Bartamaha.Com anaga ayaa isha ku hayna oo soo baahin doonno  Insha Allaah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments