Kulan Xasaasi ah oo maanta dhexmaray Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Xasan Turki.
Bartamaha(Afgooye):-Kulan albaabyada ay u xernaayeen oo manta ka dhacay Degmada Afgooye ayaa la xaqiijiyay in ay yeesheen labada Sheekh Xasan Ee Xizbul Islaam garwadeenada ka ah.
Sida ay www.Bartamaha.Com u xaqijiyeen Saraakiil magacyadooda diiday in la xigto waxaa manta kulan saacado qaatay Afgooye ku yeeshay Sheekh Xasan Daahir Hogaamiyaha Xizbul Islaam Iyo Sheekh Xasan Turki maskaxdii ka danbeysay dhismaha Xizbul Islaam.
Labada Xasan ayaa waxa ay islam faaqideen Dagaalada Alshabaab ay kula jiraan Xizbul Islaam iyagoo in muddo ah ka wada hadlayay Dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Labada Wadaad ayaa waxa ay in muddo ah iska dhaadhicinayeen qaabka dagaalka u dhacay iyo Xizbul Islaam waxa uga aadan iyadoo Sheekh Xasan Turki uu dhaliil u jeediyay Hogaanka Xizbul Islaam sida sargaalka sida hoose ula hadlay www.Bartamaha.Com uu cadeeyay.
Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Xasan Turki ayaa waxa la xdaqiijiyay in ay xiriira la sameeyeen Saraakiisha Xizbul Islaam eek u sugan Jubada Hoose iyo madax kale oo dhanka Hiiraan joogta.
Wada hadalka ayaa ahaa mid Saacada qaatay oo labada Masuul ay wax badan ku falan qeeyeen balse gadaal ayaan ka soo baahin doonaa Wixii ka soo baxa Kulamada oo u muuqda kuwa sii socon doona Insha Allaah www.Bartamaha.Com ayaad kala socon kartaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments