Kulan taageero loogu raadinayay ciidamada Dowlada oo ka dhacay Turkiga.
Kadib markii dhowaan Magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu ka furmey shir ay marti gelisey Dowlada Turkiga islamarkaana looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa waxaa xaley lagu soo gaba gabeeyay magaalada Ankara oo mudo sedax maalin ah shirka uu uga socdey madax dhowr ah.
Kulankan ka dhacay Dalka Turkiga islamarkana ay kasoo qeyb galeen Madax ka kala socotey IGAD,QM,Midowga Afrika iyo Dowlado kale oo daneeya arimaha Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saarey ka hadalka sidii loo dhisi lahaa ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Tababaro iyo qalab loogu heli lahaa.
Dhanka Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa kulankaasi uga qeyb galey Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Xubno kale oo Dowlada ka tirsan oo uu ka mid ah yahay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga.
Madaxdii kulanka ka qeyb gashey oo Dowlado dhowr ah ka socdey ayaa waxa ay balan qaadeen in Dowlada Soomaaliya oo uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ka saacidi doonaan dib u dhiska ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo sidii qalab loo sin lahaa ciidamada.
Intii kulanka uu ka socdey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxaa lagu soo bandhigey goobta heshiis ay wada gaareen Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga kaasi oo ku aadan in Dowlada Turkiga ay gacan weyn ka geysaneyso dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.