Kulan looga hadlayay ammaanka magaalada Gaalkacyo oo ka dhacay magaaladaas
Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka,taliska ciidamada iyo waliba odayaasha dhaqanka ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu lafagurayay waxkaqabashada ammaanka.
Waxaana kulankaas intii uu socday la iskula soo qaaday hawlagalladii maalmihii lasoo dhaafay kasocday magaalada Gaalkacyo ee lagu soo qabqabtay dad farabadan.
Kunlanka intii uu socday ayaa Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland waxaa ay diirada ku saareen sidii wax looga qaban lahaa Falalka amaan darri ee ka dhaca Magaalada Gaalgacyo iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen laamaha Ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Saxaafada la hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug iyo Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur Yare isagoona sheegay in Kulanka looga hadlayay adkeenta ammaanka Gobolka Mudug iyo sidii Shacabka ku Nool Magaalada Gaalkacyo ay wax uga qaban lahaayeen ammaanka Magaalada Gaalkacyo isla markaana gacan ay u siin lahaayeen Ciidamada Nabad Galyada Maamulka Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Howlgallada ay wadaan Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo ammaanka Magaalaada Gaalkacyo oo mararka qaar ay ka dhacaan Falal liddi ku ah Amniga isla markaana lagu bartilmaameedsanayo x
arumaha Maamulka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.
Comments
comments