Calendar

Kulan ammaanka looga hadlayay oo ka dhacay Gal-Mudug.

Galmudug_SsBartamaha(Gaal-Kacyo):-Maamulka Gal-Mudug ayaa yeeshay kulan ammaanka guud looga tashanayay oo ay ka soo bexeen qodobo muhiim ah.

Maamulka Gal-Mudug ayaa yeeshay kulan ay kaga tashanayeen wax ka qabashada ammaan darada ka jirta Deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Masuuliyinta Maamuylka Gal-Mudug iyo Odayaasha Deegaanada ay maamulaan ayaa Gaalkacyo ku yeeshay kulan guud oo ammaanka looga hadlayay.

Kulanka ayaa waxaa si weyn loogfu falan qeeyay ammaanka magaalooyinka ay maamulaan galmudug iyo dhibaatooyinka ka taagan wadooyinka.

Odayaal ayaa loo saaray kala qaadida maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanka Bacaadweyn iyo tuulada Bandiiradley oo Ciidamo loo diray si ay u qaadaan goob isbaara ah.

Madaxweynaha Gal Mudug Mr.Caalin ayaa sheegay in ammaanka Deegaanada ay mnaamulaan dhawaan isbadal xoogan laga dareemi doono.

Kulankan ammaanka looga arinsanayay ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaanahan dhibaatooyin laga soo sheegayay deegaanada ay ka taliyaan Gal MUDUG.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: