Calendar

Kulan Ammaanka Puntland looga hadlayay oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso.

puntland logoBartamaha(Boosaaso):-Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta yeeshay kulan xagga ammaanka looga hadlayay kaasi oo masuuliyiin badan ay ka soo qeybgaleen.

Kulan muddo saacada ah qaatay oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa looga tashaday ammaanka magaalooyinka Puntland gaar ahaan Xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweyne Ku xigeenka Puntaland iyo Wasiirka Amniga iyo Odashaa, Ganacsatada, Culumaa’udiinka laga yaqaan Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in ammaanka Puntland uu ku xeranyahay  shacabka oo wada jira kana shaqeeya ammaanka guud.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxa uu xusay in loo baahanyahay shaqada nabada iyo wanaaga guud ee Puntland iyadoo uu ka dayriyay ammaan darada haddii ay sii socoto halka ay salka la galayso.

Dhinaca Kale Wasiirka Amniga ee Maamul goboleedka Puntland Generaal C/laahi Saciid Samatar ayaa guddi uu isaga hogaan u yahay waxaa loo xilsaaray la socodka ammaanka guud ee Puntland iyadoo haatan la amray in shacabka lala socdo dhaqdhaqaaqa guud.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: