Ku xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Magaalada Boosaaso oo la dilay.
Bartamaha(Boosaaso):-Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa duhurnimadii maanta toogasho ku dishay ku xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Boosaaso.
Koox aan la garan ayaa duhurnimadii maanta Gudaha Suuqa Sarifka Boosaaso ku dishay ku xigeenkii Xeer Ilaaliyihii Maxkadama Boosaaso oo ay la beegsadeen rasaas ka dhacaysay Bistoolado.
Allaha u Naxariistee Col. Cali Jaamac Qalas ayaa waxaa toogtay Saddex dhalinyara ah xilli uu ku sugnaa Suuqa Sarifka bartamaha Magaalada Boosaaso xiligaasi oo ay ku baxsadeen shacabka dhexdiisa.
Raga dilay Masuulkaasi ayaa la sheegayaa in ay la begsadeen rasaas badan Marxuumka ay dileen ka dibna ay isaga carareen goobta ay dilka ku geuysteen oo ahayd meel suuq ah.
Col. Cali Jaamac Qalas  ayaa maydkiisa waxaa goobtaka qaaday Ciidanka Booliiska oo durbaba yimid goobta dilka uu ka dhacay oo ay dadka isaga fogaadeen dilka ka dib.
Wax war ah kama soo saarin maamulka Gobolka iyo Saraakiisha guud ee ammaanka dilka masuulkasi waxaana gudaha Boosaaso ay Booliiska ka samaynayeen howlgal ay ku baadi goobayaan Kooxda dilka geysatay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments