Calendar

Ku dhawaad lix ruux ayaa ku geeriyootay kadib mudaharaad xoog leh oo maanta gilgiley caasimadda dalka kiinya

booliiskams 3
Nairobi (www.Bartamaha.com)Shan ruux kabadan ayaa ku geeriyootay tiro kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray mudaharaad faraha la isula tagay oo ka dhacay banaanka masaajidka jamia mosque ee bartamaha magaalada Nairobi xarunta dalka kiinya, dhimashadan ayaa waxay timid markii booliiska dalka kiinya ay xabado la dhaceen dad careysan oo muslimiina islamarkaana dalbanayay in la sii daayo wadaad ku xiran dalkan kiinya oo asalkiisu ka soo jeeda dalka Jamaica ee ku yaalla qaarada ameerikada koonfureed.

Halkan ka Daawo C/qafaar Shire oo goobjoog ahaa:

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay mudaradkani kadib markii la toogtay halka tiro kalana uu dhaawac soo gaarey, hase ahaatee xaqiiqdii ma sheegi karno cidda toogatay dadkani sababtoo ah qaar kamida dadkii mudaharaadayay ayaa hubeysnaa isla markaana toogtey saraakiil ka tirsan booliska sidaasi waxaa yiri mida kamida saraakiisha booliska dalka kiinya, isagoo intaasi raaciyay in qaar kamida ciidamada ammaanka dalka kiinya la dhigey isbitaalo kadib markii dhaawacyo ay gaarsiiyeen qaar kamida mudahaardayaasha.

Markii laga tago eedayntaan boolisku ay ku eedaynayaan in kooxaha muslimiinta ee mudaharadayay ay hubeysnaayeen ayaa waxay indhahaygu qabanayeen mar aan ku sugnaa goobta uu mudaharadku ka socday dibad baxayaal farabadan oo adeegsanayo dhagxaanta gacanta laga tuuro islamarakaan ku dhaawaqayaya shahaadada iyo takbiirta.

Mudahaardka ayaa markii hore u bilawdey si nabada markii laga soo baxay salaadii jimcada, waxayna mudaharadayshu wateen baabur aanan soconeyn oo taagneyd wadada banda street ee hor marta masaajidka iyagoo sidoo kale watey boorar iyo sawiro muujinaya cadaalada darada lagu haysto sheikh cabdulah feysal oo ay ku qornaayeen

Release sheikh feysal, he is innocent, oo la micno ah sii daaya sheikh feysal waa ruux aan dembi geysan

Sheikh feysal ayaa dabayaaqadii bishii tagtay ee December lagu xirey magaalada mombasa ee gobalka xeebta ee dalkan kiinya.

Sidoo kale dibed baxayaashu waxay wateen boorar ay ku cambaaraynayaan wasiirka socdaalka dalka kiinya otieno kajwanga iyo laanta cadaalada kiinya oo iyagu ku eedeeyay shiikhana inuu ku lug leeyahay falal argagixiso, iyo mintidnimo islamarkaana taariikhdiisii hore ay arimahaasi ku jireen, iyagoo tussle u soo qaatay xarigii dawlada ingiriiska ay shiikhan u geysatay sanadkii 2003.

Booliiska ayaa waxay dibed baxayaashii iyo waliba warbaahintii halkaasi ku sugnayd oo aan anigaba kamid ahaa u adeegsadeen iney ku kala ceyriyaan sunta dadka ka ilmeysiisa, xabado iyo waliba iyadoo markii dambe ay kacdoonkaasi kasoo qeyb galeen ciidamada ka hortaga mudaharadayaasha ee General Service Unit loo yaqaano halka markii dambe diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada ammaanka kiinya ay arimahaasi ka qeyb qaateen.

Dhinaca kale qaar badan oo kamida dadka u dhashay dalka kiinya ayaa muslimiinta ku eedeeyay iney soo qaateen calankii madoobaa ee lagu yaqiiney kooxda alshabaab ee ka dagalanta dalka soomaaliya laguna eedeeyo iney xiriir dhaw la leedahay kooxda alqaacidda halka dad farabadan oo kamida dadkii mudaharadayay ay ahaayeen dad asal ahaan ka soo jeeda soomaaliya, ayna noqon karaan dad qaxooti ku ah dalka kiinya, waxayna muwaadiniintaasi ku celcelinayay ereyga Kenya Yetu oo uu micnaheedu yahay anagaa leh Kenya, sidoo kale waxay indhayagu qabteen qaar kamida shacbiga aanan muslimiinta aheyn ee Kenya oo markaasi hawl galka dhinacooda kagala jira ciidamadda ammaanka kiinya dhagax iyo wixii ay heli karaana ku tuuraya kooxihii muslimiinta ahaa ee mudaharadkani soo agaasimey.

Tan iyo intii la sameeyay laanta booliiska ee la dagaalanta aragaxisada ayaa ururada bulshada laga tirade badan yahay ee muslimiintu waxay kaga cabanayeen iney tacadiyo ka dhan ah islaamka loo geysto iyadoo maamuladii hore ee dalka ka jirey lagu eedeeyo iney geysteen tacadiyo ka dhan ah muslimiinta dalkan kiinya oo ah dad laga tirto badan yahay.

Kooxahan mudaharadayay ayaa ku andocoonaya in sheekh cabdula feysal uu xabsiga isaga jiro iyadoona wax dambiyo lagu hayn islamarkaana aana wax maxakamad ah la soo taagin tan iyo markii la xirey bishii tagtay ee dec ee sanadkii 2009.

Feysal oo la xirey bishii December 31 sanadkii tagay ayaa waxa uu yahay 45 sano jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Jamaica iyadoo sanadkii 2003 lagu xirey dalka Britain kadib markii lagu eedeeyay falal argagixiso ah oo ay ugu horeyso inuu dadka uu dalkaasi ugu muxaadareyn jirey ee muslimiinta ahaa uu ku boorin jirey iney laayaana amaba qudha ka jaraan dayowga hunuuda, yahuuda iyo masiixiyiinta.

Booliiska kiinya iyo sidoo kale saraakiisha wasaaradda socdaalka ayaa ku guuldareystay iney sheekh feyal dalka ka masaafuriyaan oo ay dib ugu celiyaan dalalkii oo horey usoo marey ka hor intanu ka soo gudbin xuduuda gobalka xeebta ee mombasa uu la wadaago dalka tanzaniya, iyadoona dalalka diidey ay yihiin wadamada Tanzania iyo Gambia.

Dhinaca kale diyaaradaha caalamiga ah ee ka hawl gala dalka kiinya ayaa iyaguna gaashaanka ku dhuftay iney qaadaan sheikh feysal si dalkiisa Jamaica dib loogu celiyo.

Sheekha ayaana la hubin halka dhabta ah ee lagu hayo, balse waraka la helayo ayaa sheegaya in sheekha laga soo wareejiyay xabsiga weyn ee magalada Nairobi laguna hayo xabsiga degmada langata ee magalada Nairobi ee caasimadda Dalka kiinya.

golaha xuquuqda aadanaha ee muslimiinta kiinya oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano MHRF ayaa kol hore xariga sheekha ka dalbaday iney jawaab ka bixiyaan wasiirka socdaalka otieno kajwang, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Amos wako, taliyaha booliiska kenya methew iteere iyo mdaxa xabsiyada kiinya isiah osugo.

sheekh feysal ayaa waayadan dambe waxa uu ku sugnaa dalal farabadan oo ku yaalla qaarada afrika isagoo horey usoo marey dalal aykamid yihiin Nijeria, angola, gambia, zambia, iyo tanzania.

arintaan ayaa laga cabsi qabaa iney waxyeelo iyo dhibaato xoog leh ka soo gaarto shacbiga soomaaliyeec ee qaxootiga ku ah xaafada islii ee degmada kamakunji oo horey ula daalaa dhacayay dhibaatada wakhtiyada habeenkiiya ay u geystaan ciidamada booliiska kiinya oo lacaga baad ah ka qaata qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan nairobi oo markaasi saga soo cararay dalkoodii hooyo kadib dagaalo dhiig badani ku daatay oo wali dalkii ka bidhaamaya.

Cabdiqafaar Axmed Shire
Agaasimaha bartamaha ee bariga Afrika.

Comments

comments

Category : The Story, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: