Calendar

Kooxo Xalay Weeraray Saldhiga Degmada Wadajir.

1_929916_1_34_749831153_589074498Bartamaha (Muqdisho):- Kooxo Hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday  Saldhiga Booliiska Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir weerarkaasi oo qasaara xoogan uu ka dhashay.

Fiidnimadii hore ee xalay ayaa la xaqiijiyay in dablay hubaysan ay xalay weerar Bambaanooyin ah ku qaadeen saldhiga Booliiska Degmada Wadajir xiligaasi oo la sheegay in Ciidanka ay ku mashquulsanaayeen raashinkii cashada oo loo qeybinayay.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa waxa ay wateen Bambaanooyin iyo qoryaha fudud sida ay qireen saraakiisha Booliiska Dowlada oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii xalay ka dhacay Degmada Wadajir.

Col.Axmed Xasan Maalin oo ah Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saaka saxaafada u sheegay in ay dileen mid ka mida 5-nin weerar Xalay ku soo qaaday saldhiga Booliiska Degmada Wadajir.

Taliyaha waxa uu sheegay in Kooxda ay dhowr Bambo ku soo tuureen saldhiga wallow Ciidanka ammaanka ay difaac sameeyeen oo ay toogteen mid ka mida dhagar qabayaashii soo weeraray Booliiska sida uu hadalka u dhigay Taliyana Booliiska Muqdisho.

Taliska Booliiska ayaa waxa ay cadeeyeen in ay ku daba jiraan soo qabashada kuwii weerarka qeybta ka ahaa oo ka baxsaday hareeraha saldhiga oo ay weerarka ku soo qaadeen wallow haatan lagu daba jiro.

Weerarka xalay ayaa ka qeyb ah ammaan daro Islaamiyiinta ay dhawaanahan ka agaasimayeen Degmada kaliya ee aan laga barakicin guud ahaan Muqdisho taasi oo aydaganyihiin dadka ugu badan ee ka soo barakacay deegaanada kale ee Caasimada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: