Kooxo xalay weerar ku qaaday Xarunta Hay’adda WFP Ee Deegaanka Waajid Gobolka Bakool.
Bartamaha (Waajid) Kooxo aan la aqoonsan ayaa xalay weerar ku qaaday xarunta dhexe Ee hay’adda WFP deegaanka Waajid halkaasi oo uu qasaara ka soo gaaray ragga weerarka ku qaaday xaruntaasi.
Weerarka Kooxaha hubaysan oo dhacay abaara 11:30-habeenimo Ee Xalay ayaa la xaqiijiyay in halkaasi ay ka dhacday rasaas culus oo ay idhaafsadeen ilaalada xarunta WFP iyo kooxihii weerarka soo qaaday taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kooxaha weerarka soo qaaday.
Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa in halkaasi ay kaga geeriyodeen 3-nin halka dhaawac uu soo gaaray 2-kale kuwaasi oo dhammaantood ahaa kooxaha aan la bargaran Ee xalay weerarka qaaday.
Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxaya Xafiiska Hay’adda Cunada u qaabilsan Qaramada Midoobe Ee WFP taasi oo ay kaga hadlayaan weerarka xalay lagu qaaday xaruntooda deegaanka Waajid.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments