Kooxo Mucaaradka oo xalay weeraray Hotel ay Muqdisho ka daganyihiin mudanayaasha Baarlamanak Soomaaliya.
Bartamaha (Muqdisho) Xoogaga Mucaaradka ayaa xalay weerar qasaara sababay ku qaaday Hotelka Wehliye oo ay daganyihiin mudanayaasha Baarlamanka soomaaliya.
Dagaal xoogan ayaa ka dhacay hareeraha Hotel Wehliye Ee Magaalada Muqdisho xalay fiidnimadii halkaasi oo weerar ay ku soo qaadeen kooxaha Mucaaradka iyadoo la xaqiijiyay in uu dagaalkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dagaal qaraar ayaa ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama iyo hareeraha Hotelkaasi ka dib markii Islaamiyiinta ay isku dayeen in ay awood saaraan dhismaha Hotelka sida ay u gaari lahaayeen wallo ciidamada dowlada ay iska caabiyeen.
Inta la ogyahay 3-ruux ayaa ku geeriyootay oo 2-ka mida ay ahaayeen Ciidamada dowlada ka dib madkii dagaalka oo noqday mid xoogaystay oo madaafiic ay la socdeen islamarkaana Ciidamada ilaalada Hotelka iyo kuwa dowlada ay dusha sare Ee Hotel Whliye ka dagaal galeen.
Illaa haatan ma jiro wax qasaara ah oo gaaray Xildhibaanada iyo wasiirada dagan Hotel Wehliye halkaasi oo ciidamada dowlada iyo ilaalada Hotelkaasi ay difaaceen iyadoo bur-bur uu soo gaaray qeybo ka mida Hotel Wehliye.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments