Calendar

Kooxo Hubaysan oo xalay ku dilay nin ganacsada ah Deegaanka Biya Cade Ee Sh/Dhexe.

nin_la_dilayBartamaha (Jowhar) Kooxo hubaysan ayaa la xaqiijiyay in ay xalay toogasho ku dileen nin ganacsade ah gudaha Deegaanka Biya-cadde oo ka mida Degmada Jowhar.

Kooxaha hubaysan ayaa la sheegay in ay isku dayeen dhac ay u geystaan ninka ganacsadaha ah oo xiligaasi la sheegay in uu albaabyada u laabayay goob ganacsi uu ku lahaa Deegaankaasi.

Ka dib markii uu ka dhaga adeegay ninka ganacsadaha ah in uu dhiibo furaha ayay rasaaas ku shanaqeen sidaasi waxaa tiri Farxiya Axmed oo la jaar ahayd ninka la dilay.

Illaa haatan lama ogaan raggii dilka geystay oo la sheegay in goobta ay isaga carareen ka dib falka dilka ah oo ay geysteen iyadoo halkaasi ay soo gaareen Ciidamada Alshabaab.

Xaalada ayaa noqotay mid kacsan mana jirin cid ay Ciidamada Alshabaab u qabteen falka dilka ah balse waxa ay adkeeyeen ammaanka deegaankaasi Biya Cadde uu dhaca duleedkabari Ee Magaalada Jowhar.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: