Kooxo Hubaysan oo Xalay dad kala baxay Hoyga General Jilacow dabadeedna Toogtay.
BARTAMAHA — Kooxo Hubaysan ayaa xalay dilal ka gaystay xaafadda Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid oo maalmihii lasoo dhaafay ahayd goob ay ku dagaalamaan Dowlada iyo Xoogag hubaysan.
Xalay Saqdii dhexe ayay rag hubaysan udheceen guri uu lahaa Generaalkii geeriyooday Jilacoow xilli ragga ladilay ay waardiya ka ahaayeen guriga.
Dadka deegaanka ayaa RBC usheegay in Kooxo aad uhubaysan ay u dheceen Hoyga General Jilacoow oo kuyaal meel ku dhaw Masjidka Macalin Dhiblaawe. dabadeedna ay dileen Sedax qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ilaalada guriga halka Ninka kale uu ahaa Ninkii ilaalada laga hayay.
Waxaa adag in la ogaado ujeedka loo dilay Dadkaasi iyo waxa uu ahaa Ninka lagu waardiyaynayay guriga,amaanka Suuq Bacaad ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid hagaagsan marka laga reebo dagaalada tooska ah ee dhaxmara dhinacyada hubaysan.
Si kataba ha ahaatee horay ayay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab udishay General Jilacoow oo ahaa Mas’uul katirsan Booliska Aduunka (Inter Pol) horayna uga mid ahaa Saraakiishii ugu saraysay dowladii Siyaad Barre.
Bartamaha Wararka Soomaaliyeed – www.BARTAMAHA.COM
Comments
comments