Kooxo hubaysan oo maanta gaari shacab ku rasaasaysay duleedka Degmada Wala-Weyne.
Bartamaha(Wala-Weyn):-Kooxo dablay ah ayaa la xaqiijiyay in maanta ay gaari ku rasaaseeyeen wadada isku xerta Wala-Weyn iyo Leego.
Rasaasta gaariga ayaa waxa ay sababtay dhimashada 2-ruux iyo dhaawaca 3-kale oo dhammaan dad rakaab ah ka dib markii burcada aay rasaas ku jojiyeen gaariga oo xawaare dheereeya ku socday.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa xalada ammaanka wadaasi waxa ay ahayd mid aad u xun islamarkaana ay ku soo badanayeen kooxo dablay ah oo aan wax axsaan ah u galayn shacabka .
Maamulada ka jira Deegaanadaasi ayaa waxa ay ku wareereen wax ka qabshada burcada bulshada ku dhacda Wadada isku xerta walw-Weyn illaa degmada Buur-hakaba halkaasi oo dhibaatada ugu badan ay ka jirto.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments