Kooxo ammaanka halis ku ah oo lagu qabtay Gal-kacyo.
Bartamaha(Gaalkacyo):-Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabqabtay Kooxo ammaan daro ka samaynayay Woqooyiga Magaalada.
Holwgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka ayaa xalay lagu qabqabtay rag ammaan daro lagu Eedeynayay kuwaasi oo haatan xabsiga ku jira.
Taliyana Ciidamada Booliiska Puntland ee Magaalada Gaal-Kacyo Col.Muuse Xasaasi oo saxaafada war siinayay ayaa sheegay in ay hayaan Kooxo dhac gaysanayay.
Taliyaha waxa uu xusay in ay hayaan 3-Nin oo soo dhacay xoolo badan si ay ugu iibsadaan Suuqa xoolaha Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo haatan xabsiga ku jira.
Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in ay hayaan rag kale oo lagu tuhunsanyahay dilal horay uga dhacay magaalada Gaalkacyo Ee Gobolkaasi Mudug.
Col.Xasaasi ayaa ugu danbayntii sheegay in la soo qabqabanayo dhammaan dadka kale ee ka maqan gacanta Ciidamada kuwaasi oo uu xusay in amniga ay Qatar ku yihiin.
Howlgalka oo xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ahaa midkii ugu xoog badnaa waxaana lagu wadaa in Booliiska ay weli sii wadaan howlgalada amaanka wax looga badalayo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments