Kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradka oo xalay isaga baxay Saldhiga Galbeed Ee Muqdisho iyo Xiisad colaadeed laga dareemayo Deg.Dharkenley.
Bartamaha(Muqdisho-Somalia):-Kooxaha c iidamada Mucaaradka ayaa xalay waxa ay gabi ahaanba Farujiyeen Saldhiga Galbeed Ee Muqdisho halkaasi oo ay in mudda ah fariisin ku lahaayeen ka dib dhaqdhaqaaq ciidan oo xalay ay ka dareemeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya.
Saaka ayaa deegaankasi waxaa gabi ahaanba ka maqnaa xiligii hore ciidamadii islaamiyiinta Mucaradka kuwaasi oo xalay halkaasi isaga tagay iydoo ay goobahaasi deegaanada ku dhowdhow ay soo buux dhaafiyeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya.
Xilli xaalada halkaasi ay maraysay kooxihii mucaaradka ahaana ay dagaeen isla xalay deegaanka Xoosh oo ku dhawaad 1Km u jira Saldhiga ay isaga tageen ayaa Barqanimadii manta waxaa ay dib ugu soo labteen saldhigii ay markii hore isaga tageen iaydoo taasi laga baqi qabo in ay isku dhac sababto.
Ciidamadan soo gaaray agagaarka Saldhiga Galbeed isla markaasina uka tirsan kuwa dowlada ayaa la sheegay in ay ka amar qaataan qaar ka tirsan hogaamiyayashii dagaalka sida Muuse Suudi iyo Maxmed Dheere.
Xaalada deegaanada Dharkenley ayaa haatan wax ay tahay mid kacsan iyadoo lbada koox ee is horfadhida ay soo buuxinayan xaafadaha ku xeeran saldhiga Galbeed halkaasi oo ay haatan gudihiisa iyo hareerihiisa ay ku jiraan ciidamadii islaamiyiinta dowlada mucaaradsan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments