Calendar

Kooxda Xizbul Islaam oo beenisay in Ciidamadeeda Gobolka Hiiraan ay Dowlada Ku biireen.

xizbul IslaamBartamaha (Muqdisho):- Masuul ka tirsan Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay Xaflad shalay loo sameeyay ciidamo la sheegay in Dowlada ay ku biireen Magaalada B/Weyne

Afhayeenka Dhinaca howlgalada Maxmed Cismaan Aroos oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin ciidamada shalay xaflada lagu soo dhaweynayo B/weyne loogu sameeyay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhammaan ciidamadooda Gobolka Hiiraan ay diyaarsanyihiin islamarkaana aanay jirin wax askartooda ka mida oo maamulka dowlada ku biiray balse ay Ciidamada dowlada matalayeen kuwa soo goostay oo xizbul islaam ka tagay.

Maxmed Cismaan Aroos Afhayeenka dhinaca howlglada Xizbul Islaam ayaa sheegay in xilli waliba oo ay siyasada ku fashilanto dowlada Fd ay bilaabaan dacaayado ay ku haminayaan in ay qalbiyada uga xadaan mujaadiinta kuna sheegaan ciidamadooda kuwa soo goostay ayuu yiri sargaalkaasi.

Warkan ka soo yeeray Maamulka Guud Ee Xizbul Islaam ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal haayay in ciidamo badan ay dowlada uga biireen kooxdaasi kuwaasi oo ay ugu danbeeyeen askar shalay xaflad loogu sameeyay B/weyne oo Ciidamada dowlada ka mid noqday.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: