Kooxda Xizbul Islaam Ee Balad Weyne oo beenisay in ay heshiis la galeen madaxada Dowlada Fd ee ku sugan B/weyne.
Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Cumar Isxaaq Ibraahim oo ah  Sargaal ka mida kooxda Xizbul Islaam u qaabilsan magaalada B/Weyne ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin wax wadahadal ah oo ay la galeen Dowlada Fd soomaaliya.
Sheekh Cumar Isxaaq ayaa daboolka ka qaaday in ay ku been abuurteen qaar ka mida madaxda dowlada u qaabilsan Gobolka Hiiraan isagoo sheegay in hadalka ka soo baxay Aadan Garaaso Duqa Magaalada B/Weyne uu yahay mid si weyn loogu qoslo .
Wadaadka ayaa sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo dhexmari kara dhinaca dowla iyo kooxdooda isagoo sheegay in Rasaas ay ka dhexeyso labada koox ee la sheegay in ay wada hadleen.
Sheekh Cumar ayaa shanka kale sheegay in wixii wada hadal ah haddii ay dhacayso xittaa ay dhankooda u galayaan Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madaxda ku xegta oo uu sheegay in ay iyaga ka amar qaataan.
Hadalka masuulkaasi ka mida Xizbul Islaam Balad Weyne ayaa imaana xilli shalay uu saxaafada u sheegay Aadan Garaaso in ay jiraan dhinacyo ka mida Mucaaradka oo ay kula hadleen telfonada isagoo sheegay in ay rajaynayaan heshiis dag=daga wallow arintaasi ay manta beenowday.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments