Kooxda Xisbul Islaam oo ku hanjabtay in ay dagaalo uga faa’iideysanayso Bisha Ramadaan.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta sheegtay in ay dagaalo la galayso bisha Ramadaan dhammaan Ciidamada Dowlada.kuwa Amisom iyo Ahlu sunnah wal-jamaaca.
Maxmed Cismaan (Aroos) Afhayeenka Kooxda Xizbul Islaam oo maanta magaalada Muqdisho saxaafada kula hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay dagaalo ku bilaabayaan Ciidamada dowlada iyo amisom iyo Kooxda Ahlu sunnah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Afhayeenka dhanka howlgalada Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dhinacyada dowlada la safan weeraro ay qorsheynayaan isagoo tilmaamay in bisha Ramadaan ay dhankooda dagaalo la galaayaan kooxahaasi.
Ugu danbayntii Masuulkaasi ayaa ku hanjabay in ay dhammaan gobolada ay ku suganyihiin Ciidamada dowlada iyo kuwa lagu lagacaabo Ahlu sunnah ka saarayaan islamarkaana ay Cibaado ka dhiganayaan dagaaladaasi sida uu hadalka u dhigay.
Hanjabaadan ka soo yeertay kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa ay imaanaysaa xilli magaalada Muqdisho dagaalo uga furanyihiuin kooxdaasi iyadoo dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyay dhamman gobolada dalka ay haatan ka taaganyihiin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments