read more »">
Calendar

Kooxda WPSC oo si xarago leh ugu guulaysatey koobka AFT 2010 oo lagu xusay marxuum Saleban Colaad Rooble (AUN) (Sawiro).

162732_1710262525845_1516575957_1701572_7521041_nBartamaha (Amsterdam):- Waxaa magaalada Amsterdam caasimada dalka Holland todobaadkii tagey si rasmi ah looga qabtey markii lixaad koobkii Amsterdam Futsal Tournament (AFT 2010), koobkaas waxaa soo agaasimay hay’adda HIRDA,waxaana ka soo qayb galey sanadkaan  25 kooxood, kuwasoo ugu dambeyntii  16 ka mid ay u soo gudbeen cayaaraha finalka.

Garoonka weyn ee Sporthallen Zuid ayaa waxaa soo buux dhaafiyay boqolaal Soomaali ah oo isugu jirey kooxihii 16ka ahaa ee ka qayb galayay tartankaan iyo taageerayaal fara badan, kuwasoo ka kale yimid Gobalada, Degmooyinka dalka Holland iyo wadamada dariska la ah Holland sida UK, Belguim,Germany,Sweden iyo Norway.

Furitaanka

Waxaana si rasmi ah u furey Koobka agaasimaha Hay’adda HIRDA marwo Faduma Axmed Faarax, hadaladeediina waxaa ka mid ahaa

” Hay’adda HIRDA  farxad weyn bay u tahey  maanta in ay ugu qabtaan magaalada Amsterdam dhalinyarada Soomaaliyeed markii lixaad koobka AFT 2010, dhamaantiin waad ku mahadsan tihiin ka soo qayb galka aad ka soo qayb gasheen cayaarahan, balse sanadkaan waxaan koobka ku xusuusanaynaa uguna duceynaynaa  allaha u naxariiste Marxuum Salebaan Colaad Rooble Wasiirkii hore Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya,

Waxaan idinka codsanayaa inaad u aqrisaan Quraan allahna uga wada barino inuu  u naxariisto marxuumka (AUN), run ahaantiina wuxuu ahaa nin wax wanaagsan ka qabtey isboortiga intii yareyd uu shaqada hayay,nasiib wanaag maanta waxaa nagala soo qayb galey  cayaaraha oo marti noogu ah garoonka xaskiisii marxuumka Marwo Xaliimo si ay noogu furto tartanka cayaaraha AFT 2010, islamarkaana nooga waranto tariikhdiisii.

Marwo Xalimo oo halkaasi si wanaagsan oo Soomaalinimo ah loogu soo dhaweeyay islamarkaana loogu duceeyay AUN marxumka ayaa hadaladeedii ku biloowday

‘’ Waxaan ku faraxsanahey maanta inaan ka soo qayb galo koobka AFT 2010, waxaana hambalyo u dirayaa dadkii soo qayb qaban qaabiyay iyo kooxihii ka soo qayb galeyba, arimaha Soomaaliy & dhibaatada ka dhacdayna kama sii hadli karo hadda, balse waxaan Allah ka baryayaa inuu dhibaatada ka qaado umadda Soomaaliyeed ayay hadaladeedii ku soo gabagabeysay’’.

KOOXAHA

Kooxaha ka soo qayb galey sanadkaan waxay ahaayeen sidatan kuwasoo 4 qaybood loo kale qaybiyay: Amsterdam, Dordrecht, Vlaardingen (SNG), Leicester (Lions), London (Nabbada FC, Mogadisho FC), Manchester (WPSC), Tilburg, Maastricht, Reewijk, Winterswijk, Den Haag, Norway, Rotterdam and West London

Wareegii koowaadna waxaa ka soo baxay 8 kooxood ee kale ah:

Manchester,Tilburg,SNGVlaardingen,Denhaag,Reewijk,Dordrecht,

Nabadda FC iyo Rotterdam.

WAREEGA LABAAD:

Waxaa ka soo baxay oo u soo gudbey Semifinalka kooxaha kale sidatan:

DENHAAG vs. Reeuwijk / SNG Vlaardingen VS WPSC/Manchester

FINALKA

Ugu dambeyntiina waxaa ciyaarta kama dambeysta finalka isaga hor yimid kooxaha kale ah:

Manchester (WPSC) vs REEUWIJK

Ciyaar aad u xiisa badneyd oo ay soo bandhigeen labada kooxood ciyaaryahanada u dheelayay, kuwasoo ay ka mid ahaayeen kuwo ka dheela kooxaha ka dhisan dalka Holland ayaa waxaa dhacday in kooxda Manchester ku dheelaysay oo aan dhihi karo, waxay ahaayeen dhalinyaradii ka guurtey Holland ee degay magaalada Manchester si lama filaan ah goalal isdaba joog ah ugu hubsaday goalka shabaqa kooxda Reeuwijk, kuwasoo dadka daawanayay cayaaraha iyo kooxaha kaleba ay sadaalinayeen inay qaadayaan koobka AFT 2010 sanadkaan, taasoo qalqal galisay daafaca kooxda Reeuwijk, ciyaartiina waxay noqotey in 5 goal iyo 2 goal ay guushii ku raacdo kooxda Manchester, halka kooxda Reeuwijk ay galaan kaalinta 2aad, waxaa xusid mudan in kooxihii sanadkii hore kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay koobkan ay boorsadooda ka xirxirtaan biloowgii cayaaraha ilaa iyo wareegii 2aad ayna noqdaan kuwo soo dhaafi waayo.

Kooxaha  daaqada laga bixiyay  sanadkaan ee isbidayay inay koobka qaadayaan waxay kale ahaayeen:

Maastricht, Rotterdam,Denhaag,Tilburg iyo SNG Vlaardingen,

sababtuna waxay aheyd kalsoonida badan ay qabeen & laacibiinta qatarta ah ay haysteen.

Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa waxaa noqday ALI Ahmed oo u dheelayay kooxda Reeuwijk, Goal-dhalinta waxaa qaaday ciyaaryahan

Rafiq oo u dheelayay kooxda Manchester oo dhaliyay 15 Goal, halka Ufuku oo u dheelayay kooxda Rotterdam loo aqoonsadey ciyaaryahankii ugu yaraa uguna fiicnaa koobka, macalinkii ugu wanaagsanaana waxaa noqday macalinka kooxda Reeuwijk macalin Farxaan.

Macalinka kooxda Denhaag ahaana goalhayahooda Axmed Ninja oo ii waramay markii uu dhamaadey koobka ayaa ii sheegay inuusan u arkin kooxda Manchester ee koobka qaadey sanadkaan ciyaaryahanadda u dheelayay kuwo ka yimid dal kale balse uu arko inay yihiin ciyaaryahano Soomaalida reer Holland ah.

Waxaa kale halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaadooyin dadkii gacanta siiyay intii ay socdeen cayaaraha iyo kooxihii ka soo qayb galey.

Cayaaraha Amsterdam Futsal Tournament 2010 waxay ku soo dhamaadeen guul iyo farxad sida ay ii sheegeen qaar ka tirsan soo qaban qaabiyayaasha koobkan  Abdi-Fanaan iyo Muna Handulle, waxaa kale xusid mudan in sanadkaan ay si weyn uga soo qayb galeen suxufiyiinta Soomaaliyeed ee degan dalkaan iyo Barnaamijka cayaaraha Universal TV.

SAWIRO:-

k

162785_180164178668930_100000260479498_513315_2418832_n

162868_180162658669082_100000260479498_513276_7087394_n

163247_181347478561243_100000579772476_550936_4170473_n

163943_181363205226337_100000579772476_551055_3311743_n

165543_181467841882540_100000579772476_552213_7693426_n

165675_181339358562055_100000579772476_550865_667907_n

165675_181339361895388_100000579772476_550866_4785427_n

166659_181363878559603_100000579772476_551062_3456327_n

168485_180164415335573_100000260479498_513321_1157058_n

163247_181347478561243_100000579772476_550936_4170473_n

W/D: Yusuf  Yusuf

London

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: