Kooxda Wigan oo heshiis la gashay ciyaaryahan Abuubakar Sheegoow oo ah wiil Soomaaliyeed degan magaalada Manchester
Bartamaha — Kooxda Wigan oo heshiis la gashay ciyaaryahan Abuubakar Sheegoow oo ah wiil Soomaaliyeed degan magaalada Manchester
London 24/05/2010. Kooxda Wigan oo ka tirsan kooxaha heerka koowaad ee dalka England ayaa waxay heshiis cusub la gashay wiil Soomaaliyeed oo degan magaalada Manchester lana yiraahdo ciyaaryahan Abuubakar Sheegoow.
Ciyaaryahan Abuubakar Sheegoow waa 16 sano jir aad ugu wanaagsan kubadda cagta islamarkaana la filaayo mar dhaw inuu ka soo dhaxmuuqdo garoomada dalka Ingiriiska hadii Eebe idmo,balse waxaana dhalay ciyaaryahanka ciyaaryahan hore oo ka tirsanaan jirey kooxda Horseed ee dalka Soomaaliya barisamaadkii.
Heshiiskaan cusub ayaa dhigaya in labo sanadood ee soo socota kaga sii mid ahaato kooxda WIGAN,kaasoo uu qalinka ku duugay ciyaaryahan Abuubakar iyo ninka u qaabilsan kooxda Wigan heshiisyada ciyaartooyda cusub, halka uu goob joog ka ahaayeen Abihiis Sheegoow iyo qaar ka tirsan asxaabtiisa.
Kooxda Wigan waxaa kale ka mid ah wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hasan Salim oo k tirsan kooxda mustaqbalka dhalinyarada WIGAN, kasoo aan ku soo arkay asbuucii dhawaa magaalada Manchester isaga C/kariim Ibraahim Caddaay oo 15 sano jir kana tirsan kooxda dhalinyarada Man City.
Waxaa kale oo jira Muqtaar Cali Afgooye oo 14 jir ah kana tirsan kooxda mustaqbalka dhalinyarada Chelsea, waxaa moodaa in caruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha ku dhalatey maalinba maalinta ka dambaysa ay ku soo badanayaa naadiyada heerka koowaad ee dalka Ingiriiska, halka sanadkii hore labo wiil oo Soomaaliyeed ay ka soo dhaxmuuqdeen kooxaha kale ah Juventus Ayuub Daauud iyo Manchester City Abdisalam Ibraahim, balse asbuucii aynu ka soo gudubnay tartan lagu qabtey magaalada Manchester ayaa 5 wiil oo Soomaali ah da’dooduna u dhaxayso sagaal jir ilaa 12 jir ay qaadatey kooxda Man City si ay u tijaabiyaan.
Caruurta Soomaaliyeed waalidiinta dhashay ayaa la rabaa inay uga faaideeyaan fursadahan oo kale marka ay helaan caruurtooda sida ay sameeyeen waalidiinta kale ah Garsoore Caddaay iyo Daa’uud Jeenyo, kuwasoo wiilashooda garab ku siiyay inay ka dhelaan horyaalada aduunka ugu qatarsan ee kubadda cagta
W/D:YUSUF YUSUF
Sports Editor of SSPAMEDIA
London
Comments
comments