Kooxda Qeylodhaan oo kaga jawaabtey hanjabaad loo duubay hees cusub oo la yiraahdo ‘’Kawaankii Dadka’’ (DHAGAYSO)
Bartamaha (London) — Abwaanka kooxda Qeylodhaan Cabdi Shire Jaamac ‘’Ciyaar Jecel’’ ayaa soo saarey hees cusub oo magaceedu la yiraahdo ‘’Kawaankii Dadka’’.
Heestan cusub ayuu abwaanku kaga hadlayaa hanjabaad loogu duubey telefoonka isaga iyo dhamaan reer Shire Jaamac (ciyaar jecel )kadib markii uu curiyay heestii looga codsanayay inay sii dayaan kooxaha burcad badeedka ee haysta lamaanaha Ingiriiska (Paul & Rachel).
Sida uu iisheegay mudane Cabdi Shire Jaamac waxaa dhacda markasto oo ay soo saaraan heeso cusub kooxda Qeylodhaan, heesahaas oo looga hadlaayo marxaalada dalka Soomaaliya uu marayo inay soo garaan fariimo kale duwan oo isugu jira dhiirigalin,hambalyeyn laakinse markaan ay soo gaartey fariin loogu hanjabaayo hadii aysan raali galin ka bixin erayo ka mid ah heesta sii daaya lamaanaha.
Si arinkaasi aan jawaab cad ugu bixiyaan kooxda Qeylodhaan islamarkaana mowqifkooda u cadeeyaan ayay soo saareen heestan cusub ‘’ Kawaankii Dadka’’.
Kooxda Qeylodhaan waa koox wadani ah oo degan magaalada London, mudana in loogu hambalyeeyo kaalinta wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed ay kaga jiraan.
Heesta Kawaankii Dadka waxaa curiyay abwaan Cabdi Shire Jaamac, waxaana laxanka saarey fanaanka Jooqle Shire Jaamac, musicada waxaa tumaya Mohamed Karaama, heesta waxaa si wadajir ah ugu luuqaynaya fanaaniinta kale ah Jooqle Shire & Xuseen Shire Jaamac, eryada heestana waa sidatan ee dhagaysi wacan (qoraal iyo codba).
WAA HEES MAGACEEDA LA YIRAAHDO: KAWAANKII DADKA
HORDHAC:
SHUMACII AAN DARAY IYO QAYLODHAANTII AAN DIRAY, HADEY DALKA WADA GAARTAY DIGAAGUBAÂ DAWAC WAA DILI KARAA,DUNIDA MAANTAAYE,DABARKA ISKA JARA ,OO LA DIRIRA QOOMKA DIINTA KU QARAABTA,DABADEED HALEY DILO ANNOO XAQA DARDAARAAYA.
DALJIR BAAN AHAY
KA DAMQADA DHIBKOO
DAMIIRKAA II WADA
HADDII AAN DORAAD
DAMBI WAXAAD GASHEEN
DIIWAAN KU QORAY
DADKA AAN HORDHIGAY
OO DOO DIINU TAHAY
HADDII AAD NA DEYN
WAA LAGU DILAAYAA
CIRKA SOO DUNSHOO
WAA INOO DAGAAL
DIBIÂ GEESAHA WEYN
LO’DA WUU DIDSHAA
U DIIDAA HARKEE
DADKAADÂ DOOXATEEN
DAARAHOOD KA QAXAY
CEELASHII U DIDAY
BAADÂ Â SII DABA GASHEEN
DALKA KUWA DHIGAY
KAWAAANKII DADKA
DARAJADAA D RABTAAN
WAA DOQONIMOO
DAMAQ INAAD LAHEYN
DUNIDU WAA OGTEE
DALKA WAXAA U HARI
KIIÂ Â DAACAD IYO
KII DIIR NAXEEN
DHIIG DAADINEYN
DAlLKA WAXAA U HARI
SHACABKAAN DAYACAN
DARYEELKEY RABAAN
KII LA DOONAYEE
DEGDEG WAX UGU QABAN
DALKA IYO DADKABA WAXAA U HARI
DANTA KII WADEE
XAQEE U DOODAYEE
UMMADAAN DAYACAN
DIIFTIYO DHIBKIYO
DANDARADA KA JIRA
OO DARXUMADA KA JIRA
DHAMMAAD
Waxaan idin xusuusinayaa in heesta ay ku bilaabanayso codka shaqsiga u duubay hanjabaada reer Shire Jaamac ‘’Ciyaar jecel’’ ee maqal wanaagsan, hadii Allah idmo heestan oo muqaal ah ayaa dhawaan la soo saari doonaa.
W/Q:Yusuf Yusuf
London
Comments
comments