Kooxda Qeylodhaan iyo Haweenka magaalada London oo u dabaaldegay 1-da Luulyo 1960 (50 –guuradii xoriyada) – SAWIRO
Bartamaha — Magaalada London ayaa lagu qabtey xaflad si qurux badan loo soo agaasimey oo ay ka soo qayb galeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London qaybaheeda kale duwan, xafladaten ayaa lagu weynaynayay maalintii xoriyada iyo caleemo saarka calanka dalka Soomaaliya oo ka soo wareegatey 50-sanadood.
Fanaaniinta Kooxda Qeylodhaan oo kaashanaysa haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ayaa wacdaro ka dhigey habeenkaas Hall weyn oo ku yaal waqooyiga magaalada London gaar ahaan xaafada Tottenham,iyagoo halkaasi ku soo bandhigey heeso, majaajilo, gabayo iyo baraanbur islamarkaana waxaa goobta hadalo koo kooban oo ku saabsan halgankii xoriyada dalka Soomaaliya iyo caleemo saarkiiba ka jeediyay qaar ka tirsan odayaasha iyo siyaasiyiinta magaalada London (mudane C/qaadir Xaaji Masale iyo mudane Cali Jarmal).
Mudane Cabdi Shire Jaamac ‘’Ciyaar jecel’’ ayaa ugu horeyntii ka jeediyay qudbad kooban oo uu kaga waramaayo sababta keentey in kooxda Qeylo dhaan iyo Haweenka magaalada London si wadajir u qabtaan caawa munaasabadatan qiimaha badan, run ahaantii waxaa nagu dhaliyay markaan aragney in kowda Luulyo loogu xusin magaalada London iyo meelaha kaleba sidii ay mudneyd madaama ay tahay maalin xusuus iyo qiima badan ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed, waxaa nagu balan ah kowda Luulyo inaan qiimaha ay leedahay kor u qaadno islamarkaana aynan noqonin mid loogu dabaaldago discotheek yada kaliya habeenkii, hada iyo wixii ka dambeeyo iyo sanadka soo socdaba waxaan noo balan ah inaan ku qabano xaflada caleemo saarka beerta xoriyada banaankeeda sidaan si ka weyn oo free ah insha Allah ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane Ciyaar jecel.
Fanaaninta kooxda Qeylodhaan Jooqle Shire, Xuseen Shire,Shamso food iyo Abwaan Cali Xasan, Mandela,Qowdhan iyo kuwo kale ayaa heeso kale duwan oo aad loogu riyaaqey ka qaadey xaflada, heesaha laga dabadhacay oo habeenkaasna waxaa ka mid ah, heesta :
Tani mayna sugeysay, heestii dhaantada Xuseen iyo Shamso, Soomaaliyeey isgaroowso, Waa wada macaan dumarku, Kawaankii dadka.
Waxaa kale oo halkaasi ka qaaday gabayo iyo buraanbur aqyaarta kale ah: Sheikh Mohamed Xuseen Awliyo, Abwaan Cali Xasan, Muna Axmed Cabdalla ‘’Diana’’ iyo Maryan Jaceyl.
Mudane Osman Xooshoow oo ka mid aqoonyahanada degan magaalada London ayaa isna halkaasi ka jeediyay muxaadaro wacyigalin ah oo looga hadlaayo doorka culumada iyo marxaalada dalka Soomaaliya marayo iyo halgankii umadda u soo mareen xornimada dalkeena.
Gabagabadii barnaamijka waxaa halkaasi lagu soo bandhigey hees wadani ah oo ay samaysay gabar Soomaaliyeed oo degan magaalada London oo ka hadlaysa qiimaha calanka iyo wadaniyada islamarkaana waxaa si wadajir ah sare loogu wada kacay calankii saarkii calanka Soomaaliya oo goobta laga taagey saacadu markay ahayd 12:00 habeenimo, iyadoo dadka meesha joogay wajiyadoodu iga muuqatey Soomaalinimo iyo wadan jeceyl fara badan.
Dadka Soomaalida ee ku nool Qurbaha ayaa waxaa moodaa in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii jeclaanayaan wadankooda iyo calanka kadib markii ay ku daaleen qurbaha, halka kuwa gudaha joogana ay qadyaan ka taagan yihiin dirirta ujeedo badanka ah ee ka holcaya ciida Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan waxaa looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii umadda Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatada 20 sano jirsatey ee haysata Soomaaliya islamarkaana si weyn loo muujiyo qiimaha u leeyahay calanka Soomaaliya iyo halgankii naf iyo maalba lahaa ee loo soo marey.
W/D:Yusuf Yusuf
Comments
comments