Calendar

DHAGAYSO: Kooxda Qeylo dhaan oo soo saartey hees cusub oo la yiraahdo heestii proffessor, Proffessor waa Kuma?

1675Kooxda Qeylo dhaan oo ku caan baxdey soo saarista heesaha wadaniga ah ee lagu wacyi galinaayo shacabka Soomaaliyeed ayaa soo saartey mar kale hees cusub oo la yiraahdo ‘’Heesta Barafasoorada’’ islamarkaana ay hal ku dhig uga dhigeen Barafasoorku waa kuma?.

Heestaan ayaa waxa ku luuqeynaya islamarkaana laxankana saarey abwaan al- fanaan Xuseen Shire Jaamac ‘’Ciyaar jecel’’ oo aan dhihi karo waa laf dhabarka kooxda Qeylo dhaan, halka miraha iyo erayahada heestana uu soo curiyay abwaanka AD.

Heestan cusub waxay si gaar ah uga hadleysaa niman sheegta inay yihiin aqoonyahaniin Soomaaliyeed oo qurbajoog ah, islamarkaana ku sifoobey xukun doonimo iyo bilaa wadaniyad, kuwaasoo bilihii la soo dhaafey shirar iska soo horjeeda ku kale qabsadey magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi, hadane markale doonaya inay shirar kale oo lagu kale fogeynaayo dadka Soomaaliyeed ee qurbaha degan raba inay ku qabsadaan magaaloyin ay ka mid tahey London iyo meelo kale.

Nimanka aqoonyahanka sheegta ee hadane xukunka doonaya ayaanan la arkin wax fiican oo looga dayan karo 20 sanadood ee dagaalada sokeeye ka socdeen dalka Soomaaliya, halka ay ku caan baxeen kale qaybinta bulshada Soomaaliyeed iyo mucaaradnimo joogta ah.

Waxaa nasiib xumo weyn ah inay hareer mareen hadafkii dhalinyaradii 13-kii SYL ee xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliyeed soo gaarsiiyay nimankaan sheeganaya inay yihiin aqoonyahano.

Barafasoorada Soomaaliyeed kama hadlaan dhaca lagu hayo baddaheena, qashinka sunta ee lagu daadiyo iyo ka kaluumaysiga sharci darada ah ee ka jira Soomaaliya.
Barafasaradeena kama hadlaan faragalinta qaawan ee ay ku hayaan arimaha dalkeena dalalka IGAD, Ethopia, UNPOS, UNDP & Contact Group.
Barafasaradeena waqti ma galiyaan inay ka shaqeeyaan sidii dadka Soomaaliyeed dhaxdooda la isku fahansiin lahaa islamarkaana dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hagi lahaayeen tubta toosan.
Barafasooradeena dalalka ay joogaan ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika kalama hadlaan dowladahooda sii nabad Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa.

Barafasaradeena kama hadlaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee jawaanada madaxa loo galiyay islamarkaana gacmaha iyo lugaha ka xiran ee sidii xoolihii loogu hayo dalalka dariska sida Kenya, Sychelles, India iwm ah, kuwaasoo inay burcad baddeed yihiin laga dhigayo halka aanan laga hadleynin xaqiiqda ka jirta badda Soomaaliya.

Barafasooradeena waxay ku caan baxeen inay ka soo mucaraadaan kuna niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed hadba dowladii loo soo dhiso laanta af Somaalida BBC London, halkii looga fadhiyay inay saxaan qalad kasto oo jira, waayo muwaadinka dhabta ah mar walbo dantiisa gaarka waxa uu ka hormariyaa danta dalka iyo dadkiisa sidii uu u badbaadin lahaa.

Heesta oo cod ah iyo iyadoo qoraal ah halkaan ka dhageyso

BARFASOORKU WAA KUMA?

YAA BEERTAY OO WADA?

MA BADBAA DA DEENAA?

BULSHAYAHAY AYAAN DARAN

BARFASOORADEEDII

BHDIIDA HEYSTEE

BURBUR IYO DHIBAATIYO

BAAQ IYO WAR MOOYEE

AAN BAXNAANO WADINOO

HADBA BAAR FARIISTOO

LONDON BAALAHEEDIYO

BAARIIS KA DAGGA OO

CILMI BAARIS BEEN IYO

BOORSOOYIN JEEDOO

BADDA IIBSADAA YIMID

MAANKAA BADALANOO

MABA MADAX BANAANOO

BALA LAGU SHUBTUUNBEY

BUSHIMAHA KA SHEEGAAN

ABCDA MOOYEE

AFKOODEEY6 KA BAQAYAAN

DADKA BAADIYEEYAAN

DHAQAN BI’IS WADAA YIMID

WAXA LAGU BISLEYSTAA

BOQNO GOOYADEENIYO

BARAKACA DADWEYNAHA

BIIL LOOGU QORAYOO

BALAAYADUU U JOOGAA

BURJUWAASI WEYNOO

BEEN ABUUR KU CAAN BAXAY

BBCSIIDA JOOGAA

BUUN-BUUNINAAYOO

BALLAN HOOSE LEEYIIN

HUURSHE IYO BANGEELIYO

BALIYADII XERAALIYO

BALADWEYNE IYO XAMAR

BOORAMA HARGEYSIYO

BOOSAASO TAGINOO

BOHOLYOW U QABANOO

BURUGSALIS DHEX JOOGOO

RIYADIISA BEENTAA

KU BOQRADAY NAFIISOOW

LAGU BARAY BASAASKOOW

WAXAAN BEYDKA HEESTIYO

MURTIDII KU BAAL JARAY

ISBADBAADI SHACABKOW

BURCAD IYO JAWAASIIS

YAAN BEYLAH LOO NOQON.

W/D: Yusuf Yusuf
[email protected]
London

Comments

comments

Category : Madadaalo | Entertainment, Wararka Maanta.
« »

Comment: