Kooxda Islaamiga ah Boko Xaraam ee dalka Nageria oo sheegtay weerarkii Jimcihii lagu qaaday Xarunta QM ee Abuuja
Abuja (www.Bartamaha.com):- Afhayeen u hadlay Kooxda Boko Xaram ayaa u sheegay wariyaasha ku sugan dalka Negeria in ay ka dambeeyeen weerarkii jimcihii shaley lagu qaaday Xarunta QM ay ku lee dahay magaaladda Abuuja. Ugu yaraan 18-qof ayaa ku dhintay tira in taa ka badan waa ay ku dhaawacmeen
Weerarka ayaa loo adeegsaday baabuur walxaha qarax laga soo buuxiyay kaa oo uusaarnaa qof ismiidaamiyay waxa uu soo maray labo bar control ka dib waxa uu ku qarxay qaybta soo dhaweeynta dhismaha. Dhismaha xarunta ayaa inta badan waxyeelo ballaaran uu soo gaaray.
Xoghayaha guud ee QM Ban ki-Mon ayaa cambaareeyay weerarka waxana uu ku tilmaamay in ay la weeraray dadka u go’doomiyay nafsadooda dad kale in ay caawiyaan.
Ilaa 26-xarumo oo hoosta QM oo iskugu jirra Bini’aadinimadda iyo Hormarinta ayay qaabilsanaayeen waxana ka shaqeeya xarunta ilaa 400 oo shaqaala ah.
Madaxa Caalamka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii jimcihii lagu qaaday xarunta QM ee Abuja.
Madaxweynaha Nigeria Good Luck Johnson ayaa sheegay maamulkiisa in ay sameen doonaan wax kasta oo cadaalada lagu horkeenaayo kooxihii geestay weerarka.
Boko Xaram waa koox xiriir adag la leh Al-Qaacidda waqooyiga Galbeedka Africa ee la yiraahdo Al-Qaacidada Magrib. Waxana horrey weerar noocan oo kale uga geesteen xarunta ciidamadda Pooliska Nageria ee Abuja labo bil ka hor,
Waxa ay sheetaa in ay u dagaalameyso in ay sharciga islaamka ay ka hirgaliso gobalka Borono ee galbeedka Negria waana ay diiday wax barshadda reer galbeedka.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments