Kooxda Ilamos ayaa ku guulaysatey koobka Somali Football Festival UK 2010(Daawo Sawirada).
Bartamaha (London):- Garoonka weyn ee Linford Christie Sports ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay koob loogu magacdarey Somali Football Festival UK 2010,koobkaas ay ku baratamayeen 8 kooxood.
Koobkan waxaa soo qabanqaabiyay urur ay ku mideysan yihiin ciyaartooydii hore kubadda cagta dalka Soomaaliya ee degan dalkan Ingiriiska oo magaciisu yahay SSAUK.
Ciyaarta finalka waxaa shalay fooda isku darey labada kooxood ee kale ah
Ilamos iyo Leicester United.
Ciyaar aad u xiisa badnayd oo ay soo bandhigeen labada kooxood ayaa ka dhacday garoonka ayna ka soo qayb galeen dad weyne aad u fara badnaa oo ay ku qiyaasi karo inay u badnaayeen dadkii ka soo shaqayn jirey Wasaarada isboortiga dalka Soomaaliya,ciyaartooydii hore ee kooxaha kubadda cagta dalka Soomaaliya , ciyaartooydii hore kubadda koleyga dalka Soomaaliya wiilal iyo gabdho, macalimiin, garsoorayaasha, fanaaniin iyo dadweyne farabadan oo ka kale yimid meelo dhaardheer si ay goob joog uga ahaadaan maalintaan taariikhigi ah.
Run ahaantii waxay u ahayd maaalin weyn ciyaartooydii hore ee kubada cagta dalka Soomaaliya madaama koobkaan u ahaa koobkii ugu horeeyay ay kaligood si maamul ahaan ugu qabsadaan magaalada London, inkastoo koobabka kale ay wax ka qaban jireen, hadane waxaa garoonka si weyn uga muuqanayay boqolaal ciyaartooydii hore ah oo dalka Soomaaliya iyo garoomadiisa hadii ay ahaan lahayd kooxaha heerka koowaad, xulkii Qaranka Soomaaliya ma ahayn mid ay u kale hareen, halkaan kuma soo wada sheegi karo qoraal yarna laguma koobi karo.
Ciyaarta waxaa furey fanaanada caanka ah Saynab labo dhagax iyo Sucaad laacibadii kooxda Horseed , kuwasoo magaalada booqasho ku joogay, ciyaar xiisa badan oo ay labada kooxood soo bandhigeen waxay ku soo dhamaatey 3 goal iyo eber goal ay guushii ku raacday kooxda la yiraahdo Somali ama Ilamos sida aad u taqanaan, kuwasoo noqday horyaalkii koowaad koobka Seria A dalka Soomaaliya, kooxdatan waxaa gacanta ku haya Axmed Bile iyo Zakariye Baliile oo labaduba ka soo mid ahaan jirey ciyaartooydii kooxda Jeenyo iyo Muqdisho.
Waxaa kadibna abaalmarino kale duwan la gudoonsiiyay garsoorayaashii iyo ciyaartooydii ugu wanaagsanayd tartanka, hadii ay ahaanlahayd goal dhaliyihii ugu wanaagsanaa, abaalmarinadaas waxaa lagu sharfay inay bixiyaan odayaasha isboortiga magaalada London sida Xuseen Diriye, Axmed Shell, C/qaadir Isoomareey, Muse Naasir, Dr.Cunaaye, Muridi Zein , Salah garweyne Mohamed Ismail, Osman Shiis iyo Maxamed Axmed Caalin, halka odayaal ka yimid magaalada Manchester ay gudoonsiiyeen abaalmarino kale duwan ciyaaryahankii ugu goalasha badnaa Faysal ( Leicester United), Liibaan ciyaaryahankii ugu fiicnaa ( Muqdisho) iyo goalhayihii ugu wanaagsanaa waxaa noqdey goalhayaha kooxda Ilamos, kuwasoo midkiiba la gudoonsiiyay midkiiba £500 lacag ah oo ugu deeqay ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee u dheela kooxda Man City Abdisalaam Ibraahim Cadaay, falkan waxa u ahaa mid taariikhi ah oo dhirigalin iyo ka warhayn ciyaartooyda Soomaaliyeed ay sameyeen garsoore C/qaadir Caddaay iyo wiilkiisa ciyaaryahanka ah, koobabka waxaa bixiyay Siciid Ceyroow, Sheegoow, Xasan Xuseen, koobka weyn waxaa gudoonsiiyay kooxda Ilamos nin ka socday maamulka deeganka lagu qabanayay ciyaaraha halka kaalinta labaadna u bixiyay gudoomiyaha ururka SSAUK ciyaaryahankii hore ee kooxda Horseed mudane Shidane.
Farxad iyo reyn reyn ayay ku soo dhamaatey koobkii Somali Football Festival UK 2010 ay soo qabanqaabiyeen ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya, kuwasoo u soo jeestey sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed kadibna dib boorka uga jafi lahaayeen kooxihii magaca iyo taariikhda isboortigeena lahaa ee aad moodo in la iska iloobay.
Waxaa xusid mudnaa in garoonka labadiisa dhinac ay ka babanayeen calanka Dalka Soomaaliya iyo calanka dalkaan aynu ku nool nahay ee Ingiriiska, iyadoo mar badan heesta calanka laga qaadayay dadwaynahana ay aad ugu farxayeen..
Biloowgii ciyaarta waxaa daqiiqad loo istagaay ilaahayna loo baryay inuu naxariistiisa siiya garsoore heer qaran ah oo ku geeriyooday magaalada London allaha u naxariistee marxuum Gocoso, aamiin aamiin, waxaa kale lagu sameyey intii ay ciyaarta socotey in lacago looga aruuriyay dadkii ka soo qayb galay ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya ku dhibaateysan in lagu caawiyo.
Anigoo goobjoog ka ahaa munaasabadaan qiimaha badan leh hambalyo u dirayaa guusha kooxda Somali ( Ilamos) oo runahaantii ah koox wadato magacii Soomaaliyeed hadane ku guulaystey koobkii SFFUK si qurux badan halka kooxda Leicester United ay soo bandhigeen intii ay ciyaaraha socdeen ciyaar wanaag balse kooxda Bristol ayaa la siiyay inay ahayd kooxdii ugu wanaagsanayd, maamulka ururka SSAUK ay ku midoobeyn waxaa looga fadhiyaa inay wax badan ka qabtaan sidii ay dib boorka uga jafi lahaayeen kooxihii hore ee dalka Soomaaliya iyo ciyaartooyda dalka ku hartey ee hadane aan shaqada ka haynin isboortiga Soomaaliya shaqo ugu abuuri lahaayeen iyagana wada shaqayntooda si labo laabi lahaayeen.
Daawo Sawirada:-
NB: Sawirada waxaa gacan iga siiyay mahadsane Danjire Caalim, oo aan runtii aan dhihi karo odey Soomaaliyeed isboorti ah jecelna inuu kaalintiisa ka qaato meel kasto Soomali wax ku qabanayso, waxaa waajib igu ah inaan uga mahadceliyo shaqada wanaagsan markasto
W/D: Yusuf Yusuf
London
Comments
comments