Kooxda Dhalinta Waayaha Cusub oo Nairobi ku xustay aasaaskii SYL.
Bartamaha (Nairobi):-Xaflad lagu xusayay maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ayna soo qabanqaabiyeen dhalinta Waayahacusub ayaa lagu qabtay Hotel Barakat ee magaaladda Nairobi.
Xafladan oo si wanaagsan loo soo agaamisay ayay ka soo qeyb galeen qeebaha kala duwan ee bulshada iyadoo dadwaynihiii ka sooo qeyb galay xaflada ay la dhaceen Heeso wadi ah oo lagu xasuusinayay Soomaaliya iyo qaranimadii ay lahaan jirtay.
Xuseen Saciid Axmed oo ka mid ahaa Ciidankii kooxda dalka Kenya oo hadal ka jeediyay goobta ayaa amaan u soo jeediyay kooxaha Fanka ee Soomaaliya gaar ahan kooxda Waayahacusub ee soo qabanqaabisay xaflada isagoo intas ku daray in ay soo dhaweenayaan dhalinta Fanka Soomaaliya ka shaqeeysa.
Fanaaniin da’yar ayaa dadwaynihii ka soo qeyn galay Xafladda u soo bandhigay heeso wadani ah, dhalintaas waxaa ka mid ah dhalinra SYL 2 ee ku ka dhisan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Xafladan Xuska Maalintii la aasaasay ururkii SYL ee xoriyada u horseeday Soomaaliya waxaa ka mid ah dadkii ka qeyn galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mohamed Ali Nuur “Ali Americoâ€.
Mohamed Ali Nuur oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu ka soo qeyb galo Munaasabadan qiimaha badan
“â€Dalka Rwanda waxa uu horumar ku gaaray in ay la dagaalameen Qabyaaladda balse Dhalinta Soomaaliya maanta dhibka heesto waxaa ka mid ah Qabyaaladddaâ€. Ayuu yiri Ali Americo.
Xafladda ayaa ugu danbeentii ku soo dhamaatay Jawi wanaagsan iyadoo dadkii ka soo qeyb galay Munaasadaba ay la dhaceen in dib loo xasuusto Dhalintii dalka Soomaaliya u horseeday Xoriyada iyo dowladnimada.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi
Comments
comments