Kooxda Alshabaab Mujaahidiin oo Maanta shaaca ka qaaday in ay la dagaalamayso dhammaan Ciidamada cagta soo dhiga gudaha dalka Soomaaliya.
Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka AlShabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali Dheere) ayaa manta daboolka ka qaaday in ay la dagaalamayaan dhammaan dowladaha dalka soomaaliya isku daya in ay iidama keenaan .
Afhayeenka kooxda alshabaab ayaa sheegay in ay xilli waliba ku talagalayeen in dhammaan dowladaha Caalamka loogu yeeranyao la dagaalanka Mujaahidiinta sida wadaadkaasi uu manta warfidiyeenada u sheegay.
Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali Dheere) ayaa ku goodiyay in dhammaan ciidamadaasi la keensanayo ay dalka soomaaliya kala noqondoonaan Naxashyo ay maydad ku wadaan iyo dhaawacyo badan haddii aanay dalka isaga laaban
“Maydadkoda ayaa haada iyo Mukulaalaha ku cunayaan dalka haddii aanay ciidamadooda kala noqon dalka soomaaliya kuwa haatan soo galay kuwa doonaya in ay yimaadaan Naxashyo ay maydad ku wataan ayay caasimadahooda la gaari doonaan Insha allaah”ayuu yiri Sheekh Cali Maxmuud Raage
Xafiiska Waraka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments