Kooxda Al-shabaab iyo AMISOM oo Hanjabaad is weedaarsaday!
Bartamaha (Nairobi):- Afhayeenka Ciidanka AMISOM Barigye Ba-Huko ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay difaacaan dowladda KMG ee Soomaaliya kadib markii ay kooxaha Mucaaradka ah sheegeen in ay weerari doonaan Madaxtooyada Soomaaliya.
Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Nabad Ilaalinta ah ee ka socda Midowga Africa kuna sugan Magaaladda Muqdsiho ayaa sheegay in ay qabsan doonaan Madaxtooyada Soomaaliya, balse Al-shabaab ma sheegin xilliga ay dagaalkaas qaadi doonaan.
Barigye Ba-Huko oo ka jawaabayay Hanjabaada Al-shabaab ee ah in ay qabsan doonaan xarumaha Dowladda Soomaaliya ay ka arrimiso ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado balse ku tilmaamay in Hanjabaada Al-shabaab ay ka midtahay qeyb ka mid ah dagaalka ay wado ayna waxba koo kordhin doonin.
Buhuko Af hayeenka Ciidamada AMISOM oo ka hadlay dagaaladii maalmahan ka dhacayay dhinaca waqooyiga magaalda Muqdisho ayaa ku sheegey inay ahaayeen dagaalo xoog leh iyaguna ayan qayb ka noqon balse ay ahaayeen dagaaladaasu kuwo u dhaxeeya ciidamada Dawladda iyo xoogagga ka soo hor jeeda.
Soomaaliya waxaa joogo 5,250 ciidan oo ka socda dalalka Uganda iyo dalka Brundi, iyadoo ciidankan ay ka helaan taagarada Maaliyadeed Dowladda Mareekanka, Midowga Yurub iyo Qaramada midoowbay iyadoo shaqada ay dalka Soomaaliya u joogaana ay tahay In ay ilaaliyaan Dowladda Soomaaliya.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Comments
comments