Kooxda Ahlu-sunnah Wal-jamaaca Deegaanka Guri-Ceel oo sii daysay Maxaabiis dhawaan la soo xeray.
Bartamaha(Guri-Ceel):-Maamulka Kooxda Ahlu-sunnah ayaa maanta cafis ku soo daayay qaar ka mida Maxaabiiska ku xernayd xabsi ku yaala Degmadaasi Guri-Ceel Ee Gobolka Gal-gaduud.
Sheekh Cusmaan Maxmed Cali(Fara-gaab) Taliyaha Ciidamada Ammaanka Deegaanka Guri-Ceel ayaa maanta cafis ku sii daayay illaa 8-dhalinyara ah kuwaasi oo dhammaantood ku Ee Eedeysanaa qaraxyo dhawaan ka dhacay Guri-ceel.
Sargaalkaasi u hadlayay Ciidamada Ammaanka maamulka Deegaankaasi ayaa waxa uu intaasi ku daray in Culimada Ahlu-sunnah ay bisha Ramadaan awgeed naxariis u samaynayaan shacabka iyo maxaabiista intaba.
Dhawaan ayay ahayd markii Kooxda Ahlu-sunnah ay sii daynayeen qaar ka m ida maxaabiista ay ku hayeen xabsiyada Deegaankaasi kuwaasi oo la sheegay in qaarkood la soo taagay Maxkamad.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments